Xisbiyada Soomaaliya oo soo dhaweeyay shirkii uu ic-laamiyey Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan kamida xisbiyadda siyaasadeed ka jira Soomaaliya oo maanta ku kulmay Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Shirkii uu ic-laamiyay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirkaan oo loo madal-san yahay in berri oo Khamiis ah uu ka furmo xarunta gobolka Nugaal ee Garowe ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxda maamulada iyo dowlada federaalka.

Sidda ku cad bayaan ay axsaabta soo saareen, waxayna dhiirogeliyeen in uu qabsoomo shirka, ayna kasoo baxaan "go'aan wax tar u leh geedi u socodka dimoqraadiyada iyo xasiloonida dalka".

Geesta kale, xisbiyadda ayaa ku tartarsiiyay xukuumada in ay ku gacan siiso dowlad goboleedyada baacsiga Al-Shabaab iyo in ay caddeyso maqaamka magaalada Muqdisho.

Dastuurka ayay cod dheer ku qeexeen in loo baahan yahay in uu noqdo mid dhameystirkiisa laga talogeliyo dhamaan dhinacyadda ay quseyso oo uusan noqon mid shakhsiyaad ay ka howlgalaan.

Doorashada qof iyo cod ee 2020-ka ayay dalbadeen in heshiis laga gaaro, in Guddiga doorashada loo madax banaaneeyo howlahooda iyo xisbiyada xarumo ka furtaan degaan doorashooyinka gobolada.

Xukuumada Federaalka ah ayay ku booriyeen in ay caburinta ka joojiso siyaasiyiinta aan xilalka hayn, ayna u ogolaato saxaafada ay si xor ah ugutaan howlahooda maalinlaha ah.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA OO DHAMEYSTIRAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM