Farmaajo iyo Khayre oo isku khilaafey hadal ay jeedin doonto Xaliimo Yareey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo la sugayo go'aanka guddiga doorashada Soomaaliya ka horjeedinayo kalfadhiga labada aqal ee Barlamanada Federaalka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in khilaaf siyaasadeed uu soo kala dhexgaley madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isal wasaare Khayre.

Wararka laga helayo xubno lagu kalsoon yahay ayaa warsidaha Garowe online u sheegey in hadal jeedinta Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya oo lagu qorey xafiiska Madaxweyne Farmaajo si qarsoodi ah loogu dusiyey RW Khayre taasoo oo uu diidmo xoogan kala hor-yimid.

Khayre ayaa kulan uu la qaatey madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ugu sheegey inuusan difaaci karin qodobada ku qoran qoraalkaan islamarkaana ay keeni doonaan khilaaf siyaasadeed oo ka dhaca dalka, taasoo uu ku gacan-sayrey Farmaajo.

Xogtaan ayaa xuseysa dhinaca kale in qoraalka Xaliimo Yareey gabi ahaantiis lagu curiyey islamarkaana lagu daabacey xafiiska Madaxweynnaha dowlada Federaalka Soomaaliya iyadoo ay kor kala socdeen joog Mudane Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, taliyaha Nabad Sugida Qaranka.

Famaajo, ayaa xogtaan waxaa ay tibaaxeysaa intii lagu gudda jirey kulankaas uu Xasan Cali Khayre u sheegey inuu siiyey fursad wanaagsan islamarkaana noqdey Ra'isal wasaarihii ugu cimri dheeraa tan iyo intii dagaalada sokeeye ka dhaceen Soomaaliya, sidaas daraateed uu isagu leeyahay go'aan ka gaarista halka loo jeeheynayo siyaasada dalka.

Xaliimo Yareey oo lagu tilmaamo in Guddigeedu gacan-saar dhow la leeyahay xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa iney soo jeediso in dalku galayo doorasho qof iyo cod ah taas oo u baahan waqti dheeraad ah ee loogu diyaar garoobo.

Lama ogga talaabada ku xigta ee uu qaadan doono Ra'isal Xasan Cali Khayre kadib hadal jeedinta gudoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya taas oo la filayo iney dhacdo 27 May, 2020.

Dhinaca kale, waxaa warsidaha Garowe Online arkey qoraal hordhac ah oo ergeyga UN-ka u qaabilsan dalka Soomaaliya ka jeedin doono golaha amaanka kaas uu ku sheegey in la filayo in dabayaaqada sanadkaan dalka Soomaaliya shacabkiisu u dareeri doonaan doorasho qof iyo cod ah.

Dabayaaqada sanadkaan ayaa la filayaa in dalka Soomaaliya ka qasoomaan doorashooyin iyadoo ilaa hadda aysan muuqan nidaamka loo raaci doono in lagu soo xulo Xildhibaanada labada aqal ee Barlamanada Federaalka.

Waxaa sidoo kale taagan khilaaf xoogan u dhexeeya qaar ka tirsan maamulada Soomaaliya iyo xukuumada Federaalka, halka siyaasiyiinta madaxda ka ah xisbiyada wadanka kuwaas oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore ay diidan yihiin kororsi ay sameysato dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Xamse oo furay kulan lagu darsayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:50PM

Senator Maryan oo Xasan iyo Xamse ku waanisay “inay qabuuraha ka xishoodan”

Qoraal ay ku daabacdey baraha bulshadda ayay aad uga faallootey mawduucka boobka dhulalka ee soo badanaya.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 01:09PM