Xukuumada oo shuruudo horleh kusoo rogtay doorashada Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay qodobo culus oo horleh kusoo dartay habraaca doorashadda maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa war-saxaafadeed ku shaacisay in ay waajib tahay in ay iyaddu meel-mariso odayaasha soo xulaya Xildhibaanadda cusub.

Geedi u socodka soo xulashada ergada dooran doonta mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiiladda ayaa waxay ka bilaabatay degaanada maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, bayaanka ayaa waxaa lagu xusay in ay ay muhiim tahay in madasha ay ka qabsoomeyso cod-bixinta ay noqoto laba goobood oo ay wasaaradu cayintay.

Baraha ay xukuumaddu farta ku fiiqdey ayaa waxay kala yihiin; Akadeemiyada Booliska ee xarun goboleedka Jubbada Hoose ama Xarunta Qaramada Midoobay ee Kismaayo.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili guddiga doorashada Jubbaland uu todobaadkii hore muddeeyay in coddeynta ay dhaceyso 24-ka Agoosto uuna soo saarey jadwalka. [Halkan ka akhriso]

Doorashadda Jubbaland ayaa ah mid aad isha loogu hayo, maadaama uu jiro kala aragti duwanaanshiyo u dhaxeeya hogaanka maamulkaasi iyo Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo xafiiska jooga tan iyo 2013-kii ayaa doonaya in dib loo doorto xili Madaxtooyada ay raadineyso in ay bedasho.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM