Afar dal oo lagu taliyey in laga xanibo wadahadalka DF iyo Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa ku baaqay in dalalka Geeska Afrika aysan qeyb ka noqon wadahadalada Dowladda federaalka ah iyo maamulka Somaliland.

Waraabe ayaa hadaladaas ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku wehliyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha xisbiga Waddani iyo gudoonka labada aqal oo ay Hargeysa ku qabteen, Khamiista maanta ah.

Saddex qodob ayay dhamaantooda diiradda saareen oo kala ahaa; fayruska Corona, wadahadalada hakadka ku jira iyo khilaafka ka taagan doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

Intii uu socday shirka jaraa'id, Faysal Waraabe ayaa qiray in madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ay wadaan olole ku saabsan mideynta Muqdisho iyo Hargeysa.

Balse, wuxuu gebi ahaanba meesha ka saarey in uu guuleysan karo qorshahaas, isagoo si gaar ah carabka ugu adkeeyay in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre uu kasoo dego magaaladda Hargeysa.

"Soomaaliya hadii markii horey aynu bilownay in aan wadahadalno diyaar baan u nahay, meel fagaare ah lagu wadahadalno oo beesha caalamka joogto, laakiin salaadiniin lala hadlo iyo ciyaal la kiciyo, Somaliland waxaas ku kici meyso. Waxaan leenahay qofka Soomaaliweyn doonayana dee shantii ha keeno. Ismaaciil Cumar Geelle waxaan leeyahay 'hadii Soomaaliweyn dooneyso soo dhowaaw, diyaar baanu nahay Jabuuti keen' Abiy Axmed ninkan Oromada ah ee hadda ra'iisul wasaaraha ka ah Itoobiya waxaan leenahay 'hadii aad dooneyso in Soomaali iyo Itoobiya wax wada qabsadaan soo daa kilinka Shanaad, oo shanta Soomaaliya aan sameyno' marka annagoo shantii Soomaali ah oo hal dal ah aan ka qeybgalano is-dhexgalka Geeska Afrika, laakiin kilinkaan haysanayaa Somaliland ayaan ku darayaa Soomaaliya, aduunka wuxuu is-waydiinayaa war talow Itoobiya markii ugu horeysay ayay Oromo madax ka noqotee ma badbaadin doontaa iyaddoo Oromo hogaanka hayso, 'Itoobiya masii jireysaa' ayaa la is-waydiinayaa, isagana wuxuu leeyahay Somaliland ayaan ku darayaa Somaliland," ayuu Faysal Waraabe ka sheegay shir jaraa'id.

Dalalka kala ah; Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Eritrea ayuu si cad ugu taliyey in aan wax door ah laga siin wadahadalada dowladda federaalka iyo Somaliland "maadaama ay leeyihiin danno gaar ah".

Inkastoo uusan carabaabin, "wadamo dhex-dhexaad ah" ayuu soo jeediyey in ay ka qeybgalaan wadahadalka isla markaana lagu qabto "meel fagaaro ah" oo beesha caalamka ay goobjoog ka tahay.

Xili uu ku baaqay in ay xukuumadda Muqdisho "quusato", Faysal Waraabe ayaa Puntland ku sifeeyay "waddan saddexaad" iyaddoo la og-yahay in ay kamid tahay maamulada xubinta ka ah dowladda federaalka.

Puntland ayaa horey u codsatay in ay qeyb ka noqoto wadahalada "maadaama ay xuduud la leedahay Somaliland isla markaana ay saameynayaan go'aanada kasoo baxa".

Siyaasiga ayaa si cad u soo jeediyey in la sameeyo sharci "qofka ku xadgudba Somaliland" xeerinaya in dil toogasho lagu xukumo.

Somaliland ayaa gooni-u-goosadka sheegta tan iyo sanadkii 1991-dii, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay dowlad goboleed hoostaga Xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

MUUQAALKA FAYSAL WARAABE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM