Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya oo farac ka furanaya Somaliland

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in uu qorsheynayo farac uu ka furto degaanadda Somaliland.

Mas'uul sarre oo ka tirsan Baanka kaasoo la hadlay wargeyska Ethiopian Herald ayaa wuxuu shaaciyey in qorshahaan la fulin doono dhowaan.

Qorshahaan ayaa wuxuu ku lamaanan yahay farac ay Bangigooda, sidda ugu dhaqsiyaha badan, kaga sameysanayaan dalka Sacuudiga Carabiya.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo iskaashiga dhanka ganacsiga, siyaasadda iyo ammaanka ah.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa haatan duulimaadyo ku tagta Somaliland, taas oo fududeysay isu socodkii labadda dhinac.

Si lamid ah shirkadda duulimaadyadda Itoobiya ayaa waxay jadwal waxay ku leedahay garoomada magaalooyinka Muqdisho, Garowe iyo Boosaaso.

Tewolde Gebremariam, madaxa Ethiopian Airlines, ayaa xusay in qorshahoodu yahay sidii ay baahin lahaayeen dhaqdhaqaaqooda hawada.

"Haatan waxaan sameynaa duulimaadyo 125 oo caalami ah iyo 22 oo maxali ah. Waxaan hiigsaneynaa in aan sii baahino," ayuu caddeeyay.

Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya ayaa dhowaan faracyo ka furtay wadamada Suudaanta Koonfureed iyo waddanka Djibouti ee qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa sheegta in ay ka madax banaan yihiin Soomaaliya, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM