Muuse Biixi oo weeraray wafdigii DF Soomaaliya ee shirka Jabuuti

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo Khamiista maanta ah dib ugu laabtey Hargeysa, ayaa weerar afka ah ku qaadey wafdigii dowladda federaalka ah ee shirkii Jabuuti.

Biixi oo xaqiijiyey in dhowr jeer uu shirka ku dhawaaqdey burbur ayaa carabka ku adkeeyay "dadka lala doodayey [guddiga farsamada dowladda federaalka Soomaaliya] ma aysan ahayn dad fahamsan waaqiciga jira".

"Nasiib darradu waxay ahayd dadkaan aan murmeynaa waxa jira ee waaqiciga ah, dad aad uga dhagarsan ma aysan ahayn ama dareemaya halka ay xuumadda mareyso iyo waxa jira," ayuu ka yiri munaasabad kooban.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Nasiib wanaag, dedaalkaas wuxuu socdaba, kolka waxa la kala boodaba, kolba aniga iyo Saleebaan [afhayeenka baarlamaanka Somaliland] aynu noqono odayaal oo aan niraahno bal u gaadiya deg-degi maynee, annagaa dan lahee u kaadiya bal hasoo boodinee, nasiib wanaag, xalay saacad dambe ayaa lasoo gunaanuday".

Intii uu hadal-jeedinta wadday, Biixi ayaa xusay in Jabuuti iyo Mareykanka ay "gunta dhiisha isaga dhigeen" markii xalay uu fashil qarka u saarmay kulanka isla markaana wadamadaas ku adkeysteen in la heshiiyo.

Qodobaddii xalay leysku qabtay waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha socdaalka gaar ahaan in ay isku gudbaan siyaasiyiinta xilalka haya ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Guddigii farsamo ee kamid ahaa wafdiga Somaliland ayaa si cad uga soo horjeestay qodobkaas, iyagoo sheegay "in uu u ekeysiinayo maamul goboleed hoostaga dowlada federaalka".

Kadib dedaalka Jabuuti iyo Mareykanka, waxaa dhinacyaddu isku raaceen shan qodob oo nuxurkoodu yahay; in lasii waddo wadahadaladda iyo guddiyo loo saarey qodobadda leysku fahmi waayey.

Guddiyadda ayaa waxaa qorshuhu yahay in ay isla Jabuuti ku kulmaan 15 maalmood kadib oo ah horaanta bisha soo aadan ee July, sanadkan 2020.

Dhanka kale, hogaamiyaha maamulka gooni u goosadka ah ayaa sheegay in ay meesha ka baxday doodii ahayd "dowladda dhexe baa dalka kawada talisa", deeq-bixiyeyaashuna ku baaqeen in wada ogol lala yimaado.

Xilli uu beesha caalamka ka dalbaday in ay aqoonsadaan qadiyadooda, Biixi ayaa ku adkeystay in ay ka doonayaan daneeyeyaasha aduunka in ay dhex u noqdaan marka ay isa soo hor-fariistaan madaxda labada dhinac.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey inay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse beesha caalamka waxay u aqoonsan tahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumada magaalada caasimada ah Muqdisho.

MUUQAALKA BIIXI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM