Doorashooyinka Somaliland oo markii lixaad uu dib u dhac ku yimid

Image

HARGEYSA, Somaliland – Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyay in markii lixaad uu dib u dhac ku yimid doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame, gudoomiyaha guddigaasi oo warfidiyeenka kula hadlay Hargeysa isaga oo ay hareer-taagan yihiin xubnaha guddiga ayaa ku sababeeyay "duruufo farsamo iyo mid sharci".

Warsame ayaa soo bandhigay illaa iyo afar qodob kuwaasi oo uu tilmaamay in ay qayb ka yihiin baaqashadda doorashadda, kuwaasi sidda ku xusan war-saxaafadeed uu soo saarey guddiga, kala ah;

Xeerka doorashooyinka oo aan diyaar ahayn. (Xeerkan ayaa wuxuu horyaalaa Golaha Wakiiladda, welina cod looma qaadin).

Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha oo aan wali qabsoomin. (Sababta waxay tahay muranadii dhacay bilooyinkii u dambeeyay).

Sidda uu dhigayo qodobka 9 ee xeer 20 ee sanadkii 2001-dii, guddiga doorashooyinka waxaa ku waajib ah in uu cayimiyo waqtiga ay doorashada qabsoomeyso 120 maalmood kahor maalinta doorashada

Daruufaha farsamo, siyaasaadeed iyo sharci. (Inkasta oo uusan fahfaahin dheeraad ah ka bixin waxay yihiin caqabadahaasi).

Doorashooyinkan baaqday ayaa waxaa lagu waday in ay qabsooman 12-ka December ee sanadkan, waana bil kahor dhamaadka mudada xileedka Golaha Wakiiladda ee haatan shaqeynaya.

Isaga oo u muuqda mid guddiga ka fogeynaya cidda qaadeysa mas’uuliyadda dib u dhacyadda doorashooyinka, gudoomiye Warsame ayaa wuxuu ka meer-meertay in uu cadeeyo cidda mas’uulka ka ah.

"Annaga guddi ahaan wax kasta oo suurtogelin lahaa qabsoomida doorashadda waanu diyaarinay," ayuu ku jawaabay markii ay warbaahinta waydiisay cidda dambeysay mas’uuliyadda baaqashada doorashooyinka.

Is-qabqabsiga siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka ayaa ku foorara Guddiga xili axsaabta mucaaradka ay shaki ka muujiyay xubnaha xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo dhexdhexaadnimada guddiga oo idil.

Mar la waydiiyey gudoomiyaha, si xal loo helo in ay iyaga meesha ka baxaan, lana soo dhiso guddi cusub ayuu gebi ahaanba ganafka ku dhuftay, wuxuuna wacad ku maray in ay sii wadayaan hoosha inta uu waqtiga ka idlaanayo.

"Sharci ma aaney ahayn in aan tagno annaga oo shaqo qabanay, annaga oo aanan dambi nagula hayn, annaga oo aan nidaamkii lasoo marin. Haddana waxaan ka tageynaa marka uu waqtigeena dhamaado," ayuu ku war-celiyay.

Dib u dhacyadda doorashooyinka Somaliland ku imaanaya ayaa la rumeysan yahay in ay niyad-jab ku rideyso dadweynaha iyo beesha caalamka, isla markaana ay su’aal gelineyso dimoqraadiyadda maamulkaasi.

Shaacinta guddiga ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo bishii hore xisbiyadda siyaasadda iyo xukuumadda ay isku raaceen in la qabto doorashadda, isla markaana la kordhiyo tirada xubnaha guddiga doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM