DP World oo billowday ballaarinta Dekedda Berbera iyo Somaliland oo digniin u diray DF

Image
Image
Image
Image

BERBERA, Somaliland - DP World ayaa billowday wajiga koowaad ee ballaarinta dekedda Berbera, oo ay dooneyso inay ka dhigto mid ay kusoo xiran karaan maraakiibta waawayn islamarkaana loo badalayo mid ka mid ah dekadaha ugu ballaaran Africa.

Munaasabad lagu daah-furayay mashruucan, oo uu ka qeybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici iyo madax katirsan DP World ayaa ka dhacday magaalada xeebta leh ee Berbera Arbacadii lasoo dhaafay.

"Ujeedkeennu waa inaan ka dhigno Dekedda Berbera xarun muhiim ah iyo marin badeedka ugu weyn ee Geeska Afrika," ayuu yiri Guddoomiyaha DP World, Suldaan bin Sulayem.

Somaliland waxay rajeyneysaa in ballaarinta dekadda - oo heshiiskeeda la saxiixay 2016 - ay kor u qaado dhaqaalaheeda sidoo kalena soo jiidata maalgashadayaasha caalamiga ah, hoosna u dhigta shaqa la'aanta iyo inay u noqoto waddadii ay ku heli lahayd madaxbanaanideeda iyo ka go'itaankeeda Soomaaliya.

Tallaabadan, si kastaba ha ahaate waxay soo jiidatey carada/xanaaqa xukuumadda Soomaaliya. Bishii Maarso, baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhawaaqay in heshiiska DP World iyo Somaliland ee Dekadda Berbera uu yahay "waxba kama jiraan", laakiin Hargeisa uma joojin taasi.

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ma faragalin karto arrimaha gudaha Somaliland," ayuu yiri Madaxweyne Muusa Biixi Cabdi, habeenkii arbacada isagoo ka hadlayay munaasabadda billowga wajiga kowaad ee ballaarinta Dekedda Berbera.

Heshiiska rasmiga ah ee la saxiixay ee wajiga koowaad waxaa ku baxaysa $101 milyan oo maal-galin ah si loo ballaariyo dayrka dekedda oo laga dhigayo 250,000 mitir oo labajibbaaran iyo casriyeynta xarumaheeda.

Wadarta maalgashiga labada waji ayaa gaari doona $442 milyan oo dollar.

Awoodda dekedda hadda jirta waxay tahay mid aad u hooseysa, oo aan kusoo xiran karin maraakiibta waaweyn ee Kunteenarada sida, balse qorshaha socda ayaa looga dhigayaa Dekedda mid martigelin karta markab kasta.

Shirkadda DP World ayaa sidoo kale fulinaysa mashruuc lagu dhisayo wadada isku xirta magaalada Berbera iyo Wajaale oo ku taalla Itoobiya, taasoo ku kacaysa qiima lacageed oo dhan $100 Milyan oo Dollar.

DP World ayaa siinaysa qandaraaska dhismaha iyo ballaarin Dekadda Berbera Shirkad ay shaqo wadaag yihiin mudo dheer oo lagu magacaabo Shafa Al Nahda.

DP World ku leh Dekadda Berbera dakhliga kasoo xarooda dhanka adeegga Maraakiibta saami dhan 51%, halka Itoobiya ay leedahay 19% iyo Somaliland yeelanaysa inta kale oo 30%.

Sanadihii ugu dambeeyay, DP World ayaa kor u qaaday maal-gashigeeda Afrika si uga faa'idaysato kobaca dhaqaalaha iyo ganacsiga ee qaaradda.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay isha ku hayso dekedaha dalka Eritrea, kadib markii labada dal ay ka heshiiyeen Bishii July colaaddii 20-ka u dhaxeysay, islamarkaana kala saxiixdeen heshiiso maalgashi iyo iskaashi dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM