Ergayga UN-ka oo Biixi kala hadlay Colaadda Tukaraq, Wadahadalka DF

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Haysom oo soo dhawaynta Madaarka Cigaal kadib loo galbiyey dhinaca Madaxtooyadda ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, oo ay kawada hadleen arrimo badan.

Qodobadda ay mas'uuliyiinta isla gorfeeyeen waxaa qayb ka ah cilqaadka maamulka Hargeysa kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya,gaar ahaan dib usoo celinta wadahadallada hakadka ku jira, colaadda Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq iyo amniga.

Qoraal lagu soo daabacay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ku leeyahay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa intaas lagu daray in madaxda ay isla eegeen arrimo ku xeeran amniga gobolka horumarka iyo colaada Tukaraq.

“Isagoo ku sugan Hargeysa, mar sii horeysay oo maanta, wakiilka UN-ka, Nicholas Haysom, wuxuu la kulmay Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ay kawada hadleen arrimo kala duwan oo ay ku jiraan, xiriirka dowlada Soomaaliya, amniga gobolka, horumarka iyo muranka kala dhaxeeya deriskoosa Puntland ee Tukaraq,” ayaa lagu yiri warka.

Safarka Nicholas Haysom ee Hargeysa ayaa kusoo aadaya xili uu shalay oo Sabti ahayd uu Garowe ay ku kulmeen Madaxwayne Cabdiwali Gaas, oo ay isla faaqideen arrimo ku xeeran colaada Sool, qaabka loo xalin karo iyo khilaafka dalka ka jira.

Tan iyo markii ay ciidamada Somaliland dagaal kula wareegeen Tukaraq oo ay dagaalo goos-goos ah ay ka dhaceen dhowr jeer, waxay beesha caalamka cadaadis ay ku saareysay dhinacyadda inay miiska wada hadalka yimaadaan si loo qaboojiyo xiisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM