Faysal Cali Waraabe oo ka digay "maamul goboleed ay DF dhiseyso"

Image

HARGEYSA, Somaliland – Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa wuxuu ka digay "maamul goboleed ay dowladda Soomaaliya ka dhiseyso goboladda Sool, Ceyn iyo Sanaag".

Waraabe oo qaybo kamid ah warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Villa Soomaaliya u kaashaneyso qorshahaas Cabdixakiim Dhooba Daareed, afhayeenkii hore ee golaha wakiiladda dowladda Puntland.

Sidda laga soo xigtay Faysal, wada hadalo looga tashanayo hirgelinta qorshahaas ayaa ka socda Addis Ababa, caasimadda Itoobiya. Wada xaajoodyadda waxaa qayb ka ah Fahad Yaasiin, taliyaha NISA.

"Ma aqbali doono maamul goboleedkaas laga dhisayo bariga Somaliland," ayuu yiri Faysal oo la hadlayay warbaahinta maanta oo Sabti ah. "Talaabadan waa mid lagu jarjarayo Somaliland," ayuu ku daray.

Goboladda Sool, Ceyn iyo Sanaag ayaa waxaa muddo badan ku muransan Puntland iyo Somaliland oo maamulo kala duwan ay u joogaan.

Dhooba Daareed ayaa todobaadkii hore socdaal ugu ambabaxay magaaladda Addis Ababa, ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo aan la shaacin ujeedka safarkiisa.

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar [Cameey], safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay Dhooba Daareed oo xilka gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ku waayey mooshin laga keenay.

Qodobadda ku xusnaa soo jeedinta oo ay saxiixeen mudaneyaal badan ayaa waxaa kamid ahaa; ku tamasho sharci, dastuur, xeer-hoosaadka golaha iyo in uu xarunta baarlamaanka u daabulay maleyshiyo beeleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM