Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay eedeynta baarlamaanka Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, oo ka jawaabay eedeynta kaga timid guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Somaliland ayaa iska fogeeyay dhaliisha.

Isagoo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, Faysal oo ka falceliyey xasaanad ka xayuubin uu guddigu codsaday si loo dacweeyo ayaa ku adkeystay "aniga maahi Xildhibaan, Xildhibaanka ayaa laga qaadaa".

Faysal oo lagu eedeeyay "aflagaadeyn gudoonka golaha wakiiladda iyo kicin dadweyne" ayaa waxba kama ku jiraan ku tilmaamay qodobadaas.

"Anigu beel ma aanan caynin, shaqsi baan wax ka shaqeeyay [gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Faarax Maxamed] oo aan wax ka sheegay shaqadiisa," ayuu yiri, isagoo difaacay doodiisa.

Faysal ayaa bishii hore ee June wuxuu xusay in Baashe uu "dulsaar ku yahay" Somaliland isla markaana uusan kalsooni ka haysan beesha uu kasoo jeedo kana gedi karin qadiyada Somaliland.

Wallow uusan dacwad soo qaadin, Baashe oo ka jawaabay hadalka "xanafta leh" ayaa Faysal ku qeexay "mid kala qeybinaya" bulshadda Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in uu "galay dambi Qaran".

Qodobada kale ee guddiga ku haysto Faysal waxaa kamid ah jebinta iyo in uusan ixtiraam u muujin dastuurka maamulkaas gooni u goosadka ah.

Mar la waydiiyey in uu maxkamadda hortagi doono hadii xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland uu dacwad kusoo oogo, Faysal ayaa ka gaabsaday, isagoo ku nuux-nuux saday "sal maba lahan waxa la igu soo eedeeyay".

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxtooyadda Somaliland ay soo faragelisay arrintaan, isla markaana saddexda hogaamiye xisbi oo madaxweyne Biixi ku jiro ay kawada hadleen xaalada soo korortay.

Faysal Waraabe ayaa kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee inta badan ay kasoo yeeraan hadalada xanafta leh, arrintaas oo kamid ah waxyaabaha hoos u dhigi kara sumcadda shaqsiyaadka damaca hogaamineed uu ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM