Goobta uu Soomaaliya kaga yaalo xerada hubka looga dusiyo Xuutiyiinta

Image

SANCA, Yemen – Shabakad si dhuumaaleysi ah u dhoofisa hubka oo gacanta lagu dhigay ayaa danbashay qaabka Iiraan ay hubka ku gaarsiiso Xuutiyiinta Yemen iyaddoo adeegsaneysa saldhig ku yaala gudaha Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay qiraalkooda, Xuutiyiinta oo ka faa'iideysanaya gaajada Yemen ayaa kalluumeysato ka dhiga muqalasiin hub, laguna soo siiso tababar gudaha Iran iyagoo lagu qarinayo duulimaad "samafalnimo".

Duulimaadkaas, sidda uu wariyey bogga Arab News, ayaa wuxuu ka baxaa waddanka Yemen isla markaana uu sii maro waddanka Cumaan.

Afar muqalasiin hub oo tan iyo bishii May laga qabtay marinka Bab Al-Mandab ee Badda Cas ku xira Gacanta Caddan ayaa fahfaahintan dhiibay.

Isagoo kasoo muuqdey Yemeni TV, hogaamiyaha shabakada, Alwan Fotaini oo tibaaxay in Xuutiyiinta ay qorteen sanadkii 2015-kii, ayaa wuxuu tilmaamay in uu diiwaan-geliyey nin uu magaciisa ku sheegay Axmed Xalaas.

Axmed Xalaas ayaa wuxuu ku wargeliyey in ay la shaqeyn doonan shaqsiyaad kale oo kalluumeysato ah kuwaasoo fadhigoodu yahay magaala xeebeedka Berbera ee hoostagta maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

"[Saldhiga Berbera] waa meesha ay kasoo daabuli doonan hubka iyo shidaalka [Iiraan] ee kusii jeeda Xuutiyiinta," ayay raacisay warbixinta.

Mas'uuliyiinta maamulka Hargeysa oo dhowr jeer la isku dayey ka jawaabaan eedeyntan ayaa waxaysan ka faa'iideysan fursadda la hor-dhigay.

Macluumaadka ay dhiibeen muqalasiintan ayaa xoojineysa warbixin uu Jaraa'idka Foreign Policy daabacay taasoo daaha ka rogtay in Tehran ay si toos ah u maalgeliso xoogaga argagixisadda Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Dr. Theodore Karasik, falanqeeye amni, ayaa aaminsan in ay adag tahay joojinta suuqa ganacsiga hubka sharci darada ee Yemen iyo Soomaaliya.

"Waxaa jira shabakad abaabulan kuwaasoo u baahan dabagal joogto ah isla markaana diirada la saaro ammaanka badda. Marinka badda waa halka ugu muhiimsan gaar ahaan isgaarsiinta," ayuu ku taliyey khabiirka.

Maadaama ay kasoo kabanayaan burbur qaran iyo dagaalo sokeeye, Soomaaliya iyo Yemen, waa sababta ka dhigtay marinka hubka sharci darada ah, waxaana muuqata in ay isa soo tareyso baahida wax-qabad deg-deg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM