Gudiga Doorashada Somaliland oo ka warbixiyay tirinta codadka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gudiga Doorashada Somaliland ayaa ka warbixiyay halka ay marayso tirinta codadkii doorashadii shalay, taasi oo lagu dooranayo Madaxweynaha 5-aad ee maamulkaasi.

Guddigu wuxuu sheegay in uu billowday maanta wajiga labaad ee tirinta cododka, laga soo dhiibtay lixda gobol ee Somaliland ka kooban tahay, inkastoo bariga gobolka Sanaag iyo qeybo kamid ah gobolka Sool.

Xafiisyada gudiga doorashada ee gobolllada iyo degmooyinka, ayaa sanaadiiqda cododka u gudbiyay xarunta dhexe ee Hargeysa, halkaasi oo ka socoto tirinta codadka ay kala heleen muhsraxiinta xisbiyada.

Gudiga ayaa xusay in Xisbi kasta uu ka joogo qof u tirinaya codadka laakiin uusan awood u lahayn inuu ogaado tirada codadka Musharaxiisa ka helay degmooyinka, taasi oo aad u adkaynaysa in la saadaaliyo qofka ku horeeyay doorashada.

Saraakiisha gudiga waxa kaloo tilmaameen in aad loo adkeeyay xogta doorashada, islamarkaana hawada laga saarey Internet-ka, si looga hortago in natiijo aan sax ahayn lagu jahwareeiyo bulshada.

Guddigu wuxuu sheegay in wixii cabasho ka timaado ama xisbi ama labo oo aan hada badneyn sanduuqaasi gaar loo dhigay oo isagana la hubiyo , inkasta oo ay sheegeen inaan cabasho xoogan ka iman qaabka hufan ee ay wax u socdaan.

Waxaa lagu wadaa in natiijada lagu dhawaaqo maalinta khamiista ah ee soo socota, waxaa dhici karta in cabashooyin hadii ay yimaadaan inta la saxayo ay daahin karaan natiijada.

Dad lagu qiyaasay 700,000 oo qof ayaa codadkooda dhiibtay shalay, iyagoo ka codeeyay 1,641 goobood oo dhigay qalab casri ah, oo aqoonsan kara indhaha qofka codbixiyaha ah, si looga hortago in labo meel ka codeeyo.

Saddex musharax oo kala ah Muuse Biixi, oo ka socda Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo u tartamaya Waddani iyo Feysal Cali Waraabe oo UCID u taagan, ayaa loolan ugu jira inay ku guuleystaan xilka Madaxweynaha Somaliland.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online helay ayaa sheegaya in Musharaxiinta Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro ay aad isagu dhawyihiin codadkii la dhiibtay, waxaana adag in la saadaaliyo qofka guuleysan doono. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM