Hogaanka siyaasadda Somaliland oo isku haysta "labinta" xiriirka Taiwan

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyeyaasha xisbiyadda siyaasadda Somaliland ayaa waxay u muuqdaan in ay isku-maan-dhaafsiisan yihiin cidda ka shaqeysay in Taiwan ay ogolaato xiriir ay la yeelato maamulkooda.

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga talada haya ayaa sheegtay "labinta" heshiiska iskaashi iyo yagleelida xafiis wakiileedka oo ay la galeen Taiwan, balse waa naqdiyey xisbiga Faysal Cali Waraabe.

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee uu liijaanka u hayo Faysal ayaa xusay in dedaaladaas uu hogaamiyahooda bilaabay.

"Hawsha Taiwan mudo dheer ayaa laga soo shaqaynayey ciyaar kuma imaan. Waatan Warbaahinta dalka Taiwan oo wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha ayaa Somaliland ku tilmaamay in ay hormuud u tahay Dimuqraadiyadda Geeska Afrika, halka Taiwana ay hormuud u tahay dalalka aan la ictiraafin dhanka horumarka," ayaa lagu soo qoray bogga UCID party ee Facebook.

Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in wafdi ka socday Somaliland ay saddex bilood ka tageen Taiwan isla markaana wixii ka dambeeyay uu u socday wadahadalo hoose oo heshiiska lagu saxiixay.

Fahfaahinada ayaa muujinaya in dhinacyadda ay ku heshiiyeen in safarka iyo wadahadalkooda ay ka qariyaan warbaahinta, gaar ahaan dalabkaas waxaa la fahansan yahay in uu dhanka Taiwan ka yimid.

Yaasiin Maxamuud Xiir [Faratoon], wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa qayb ka ahaa wafdigaas isla markaana horkacayey.

Todobaadkii hore ayay saxaafadda u soo bandhigeen heshiiska ay kala saxiixdeen oo ay caddeeyeen in ay is-dhaafsiinayaan xafiis wakiileed iyo in ay kawada shaqeynayaan iskaashi iyo wadashaqeyn dhexmara.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa caddeeyay in Somaliland ay xafiiskeeda Taiwan soo kireystay mudadii ay socdaalka ku joogtay halkaas, waxaana wakiileeda ay ka dhigatay Maxamed Xaaji.

Kadib shaacintaas oo warbaahinta qabsatay, dowladdaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa cambaareeyay, waxayna ku adkeysteen in ay ka go'an tahay adkeynta madax-banaanida iyo wadajirka wadamadooda.

Shiinaha ayaa Taiwan u aqoonsan Jaziirad kamid ah dhulkiisa, halka Somaliland ay sheegato in ay ka go'dey Soomaaliya 1991-dii, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga xukuumada Muqdisho.

Faratoon ayaa hoos u dhigay in ay saameyn kasoo gaari karto xiriirka ay la yeesheen gooni u goosadayaasha Taiwan.

"Walaahi uma aragno in uu wax weyn oo culeys yeelanayo, annagaba [Somaliland] Soomaaliya ayaa ina leh 'annagaa leh' iyaguna [Taiwan] Shiinahaa leh 'annagaa leh' laakiin waad og-tihiinoo wax qarsoon ma jiraan caalamka, labadeena waanu madax-banaan yahay, iyaguna waa ka madax-banaan yihiin Shiinaha, innaguna waanu ka madax-banaan nahay Soomaaliya, danaheena ayaanu kawada shaqeysaneynaa, dee Shiinuhu waa siyaasadiisa inuu yiraahdo 'Taiwan innagaa leh iyo waxbaan yeelayaa' laakiin innaguna waxaanu kawada hadleynaa waa danaheena iyo siyaasadeena, marka wax ina khuseeya uma aragno in uu yahay," ayuu warbaahinta ugu sheegay Hargeysa.

Taiwan ayaa xiriir diblumaasiyadeed la leh in ka badan 10 wadan oo Mareykanka uu kamid yahay, balse Shiinaha wuxuu si joogto ah ugu digaa dalalkaas oo u badan kuwa uu kala dhaxeeyo xifaaltan dhanka siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM