Kenya oo qaadeysa talaabo ay ku xoojineyso joogitaankeeda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Kenya ayaa qorsheyneysa in ay xafiisyo diblumaasiyadeed ka furato Somaliland si ay u xoojiso joogitaankeeda, sidda uu shaaciyey xafiiskeeda magaaladda Hargeysa.

Dhinacyadda ayaa hadda wadaaga xafiisyo shacabka labada dhinac u fududeeya adeegyo ay kamid yihiin socdaalka iyo shaqooyinka.

Sidda laga soo xigtay xafiiska Kenya ee Hargeysa, muwaadiniinta ka jooga Somaliland ayaa ku badan qeybaha Isbitaalada iyo waxbarashadda, waana sababta ku riixeysa ay la furo xafiisyo diblumaasiyadeed.

Balse ma bixin tafaasiil dhameystiran oo la xiriirta waqtiga rasmi ahaan ay furayaaan xafiisyadaas.
Qoraalka xafiiska oo meel looga dhacay madax-banaanida Soomaaliya ayaa Somaliland wuxuu ku qeexay "waddan".

"Kenya way ku bogaadineysaa in ay Somaliland ku nool yihiin muwaadiniin badan oo Kenyan ah kana shaqeystaan. Sidaas darteeda, dowladda Kenya waxay ka shaqeyneysaa sidii ay u furan lahayd xafiisyo diblumaasiyadeed," ayay tiri.

Waxay raacisay: "Tani waxay horumarineysaa xafiisyadda 'labada qaran' waxayna Kenyaanka siineysaa in ay helaan adeegyadda dowladooda".

Hadalkaan ayaa kusoo hagaagaya xilli wafuud Kenyan ah ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka dageen Hargeysa isla markaana kuwa kale ay kusii jeedaan.

Mas'uuliyiin labada dhinac ka tirsan ayaa horey u sheegay in ay go'an tahay kawada shaqeynta nabada iyo xasiloonida gobolka isla markaana ay xoojinayaan xiriirkooda.

Somaliland ayaa 1991-dii waxay ku dhawaaqdey in ay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale, balse wali ma aysan helin aqoonsi caalami ah, iyaddoo dunida u aragto maamul hoostaga dowlada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM