Kiisaska Coronavirus ee Somaliland oo qarka u saaran in ay gaaraan 400

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaarada Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay safmarka Coronavirus ka baartay 40 ruux kadib markii lagu tuhmay cudurka dilaaga ah.

Warbixinta maalinlaha ee 4-ta May, sanadkan 2020 oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu xaqiijiyey xanuunka laga helay sideed qof [8] oo dhamaantooda ah muwaadiniin iyo Lab ama Rag.

Lama caddeyn hadii bukaanadda cusub ay kamid yihiin mas'uuliyiin dowladeed maadaama la sheegay in ay jiraan wasiiro laga baarey fayruska.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta xaaladaha ee degaanada maamulkaas gooni u goosadka ah ay noqoneyso 384, kuna dhow-dahay afar boqol [400], oo suurtagal ay tahay in ay gaarto saacadaha nagu soo aadan.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, bukaanadda cusub ayaa da'dooda waxay u dhaxeysaa; 1jir ilaa 9jir = 1 qof, 20jir ilaa 29jir = 1 qof, 30jir ilaa 39jir = 3 qof, 40jir ilaa 49jir = 2 qof iyo 50jir ilaa 59jir = 1 qof.

Bukaanadan dhamaantood waxay ku dhaqan yihiin magaala madaxda Hargeysa, mana gelin wax safar ah, taas oo la macno ah in ay qaad-siiyeen shaqsiyaad kale oo horey uu u soo ritay caabuqa sida fudud u faafa.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 3 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Todoba iyo konton (57)," ayaa la raaciyey, iyaddoo lagu caadeeyay in aysan jirin dhimasho horleh. Wadarta geeridu waa 22 qof.

Inkasta oo dadweynuhu su'aallo iska waydiinayaan, Somaliland ayaa tan iyo markii dunida uu ka dilaacay Coronavirus waxay maalin walba soo warisaa kiisas cusub, mana bixiso tafaasiil ama fahfaahin dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM