Labo Bilood kadib, Boqor Buur-madow oo xabsiga laga sii daayey

Image

HARGEYSA, Somaliland - Boqor Cismaan Aw Maxamuud [Buur-madow], ayaa waxaa laga sii daayey maanta oo Arbaco ah Xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, kadib 60 cisho oo uu u xirnaa maamulka Muuse Biixi, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Buurmadow ayaa waxaa laga xiray 20-ka bishii Abriil ee sanadkaan Hoteel ku yaala bartamaha Hargeysa xili habeen ah, isagoona markii uu habeeno ku qaatay Saldhiga Booliska lasoo taagay Maxkamad, taasoo Saddex sano ku xukuntay.

Sida ay laga soo xigtay illo xog ogaal ah, sii dayntiisa maanta waxay ku timid kadib markii dadaalo kala duwan ay sameeyeen Odayaasha dhaqanka ee Somaliland, kuwaasoo cafis u weydiiyay Madaxweyne Muuse Biixi.

Inkasta oo si dhab ah loo shaacin inuu Madaxweynaha cafiyay, hadana Garowe Online, wuxuu fahansan yahay in sii dayntiisa ay kaalin fir-fircoon ka qaateen Odayaasha dhaqanka, iyo masuuliyiinta ay isku beesha yihiin.

Kolkii hore, Boqor Buur-madow ayaa sababta loo xiray, loona xukumay waxay ahayd inuu ku kacayo ficilo kasoo horjeeda jiritaanka Somaliland, sida laga soo xigtay nuqul kamid ah eedaynta xeer-beegtadda.

Sidoo kale, sababaha ugu wayn ee loo xukumay waxaa lagu sheegay inay tahay inuu ka qeybgalay caleema saarka Oday dhaqameed reer Puntland, taasoo ka dhacay deegaanka Carmo ee gobolka Bari horaantii sanadkan.

Hay'addaha Xuquul Insaanka u dooda ayaa Somaliland ku eedeeyay inay caburiso xuriyadda hadalka, kadib markii ay xabsiga dhigtay dad badan, oo Wariye-yaal, Abwaanno, Hal-abuurro iyo Fanaaniin soo bandhigay fekerkooda midnimada Soomaaliya.

Talaabadaan lagu soo daayey Boqor Cismaan Aw Maxamuud [Buur-madow], ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay shacabka qeybihiisa kala duwan ee ku dhaqan Somaliland, kuwaasoo ku baaqay in dadka kale ee lamidka ah lasoo daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM