Lacagta ay xisbiyadda Somaliland ka helaan xukuumadda oo la dhimay

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Golaha Wakiiladda maamulka Somaliland ayaa Sabtidii, 30-ka November 2019, meelmariyey odoroska Miisaaniyadda sanadka dambe.

Golaha Wasiiradda ayaa bishii hore ansixiyey Miisaaniyadda oo gaareysa ku dhowaad 330 milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Kahor inta aysan meelmarin, mudaneyaasha ayaa dood adag ka yeeshay Miisaaniyadda iyo xaaladda dhaqaale ee maamulka gooni u goosadka ah.

Qodobadda ay dooda adag ka yeesheen ayaa waxaa kamid ah in sanadkan dhaqalaaha Somaliland uu hoos ugu dhacay 35%.

Balse farogelin ka timaadey dhanka Bangiga Dhexe ayaa waxay keentay in la badbaadiyo dhaqaale oo haatan soo kabasho ku jira.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta gudaha, odoroska Miisaaniyadda ayaa lagu saleeyay baahiyaha ka jira caafimaadka, waxbarashadda iyo horumarinta.

Lifaaqa miisaaniyadda oo warbaahinta loo dusiyey ayaa muujinaya in sidoo kale hoos loo dhigay kabka xisbiyadda maxaliga ah ee kala ah; Waddani iyo UCID.

Wadarta guud ee laga jaray ayaa waxay gaareysaa $3,500 [Saddex kun iyo shan boqol oo Doollar-ka Mareykanka], sidda ku xusan lifaaqa Miisaaniyadda.

Go’aankan ayaa wuxuu kusoo aadaya xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiyadda mucaaradka ah.

Khilaafka ayaa salka ku haya doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka oo lixdii sano ee lasoo dhaafay aaney qabsoomin.

Faysal Waraabe, gudoomiyaha UCID, ayaa shaaciyey in ay taageereyaashooda ku boorin doonan in aysan bixin canshuurta hadaan la qaban doono coddeynta.

Sidoo kale, waxaa Miisaaniyaddan hoos loogu dhigay lacagta ku baxday ololaha aqoonsi raadinta Somaliland, sidda ay warisay saxaafadda.

Lacagta haatan laga gooyey ayaa, sidda ay xuseen war-fidiyeenadda, waxay dhan tahay aduun lacageed hal bilyan iyo shan boqol oo kun.

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa tan iyo sanadka markii uu ahaa 1991-dii sheegta madax banaani balse ma uusan helin aqoonsi caalami ah oo Beesha Caalamka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM