Mas'uulka ka tirsan Kulmiye ee ka qeybgalay caleema saarkii Kismaayo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Caleema saarkii madaxweynaha Jubbaland dabcan waxay ahayd mid loo dhamaa, sababtoo ah waxaa xitaa uu kasoo muuqatay Somaliland, inkasta oo uusan wafdi balaaran jirin.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxwayne ku xigeenka maamulka Kismaayo, ayaa xaqiijiyey in ay marti qaad u direen Hargeysa. Balse waxay u baaqdeen "xayiraadyo" uusan sharaxaad ka bixin waxay yihiin.

Intaas waxaa wehlisa in Sayid uu ka sheegay xafladda in wakiil ka socda Somaliland uu kala soo muuqday munaasabada, halka Faysal Cali Wareeba, hogaamiyaha UCID uu telefoonka kaga qeyb-qaatay.

"Faysal wuxuu nagu yiri 'dowladda federaalka waxay idin kugu sameyneysaa waxay nagu sameysay ee iska dulqaata' wuuna mahadsan yahay," ayuu ka sheegay munaasabada aadka loosoo agaasimay.

Dabagal dheer kadib waxaa lasoo ogaaday wakiilka Somaliland ee joogay xafladda. Shaqsigaas ayaa ahaa Maxamed Cilmi Aadan, xubin ka tirsan xisbiga talada haya horeyna u soo qabtay xilala muhiim ah.

"Aniga marka hore waxaan halkaan u imid howlo shaqo, waana laygu casuumay kadibna waana kasoo qeybgalay," ayuu u sheegay warbaahinta, isaga oo u muuqda mid aad ugu faraxsan ka qeybgalkiisa.

Jagooyinka uu Aadan soo qabtay ayaa waxaa kamid ah; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland.

"Shacabka Jubbaland waxaan ugu hambalyeynayaa nabad-gelyadooda iyo doorashadda ay dib u doortaan Axmed Madoobe," ayuu ku daray xili uu rajo wanaagsan ka muujiyey in ay sii jiraan arrimahan.

Marti sharafta kasoo muuqatay munaasabadda ayaa la rajeynayay in ay inta kasoo qeybgashay ka bataan, waxaase caqabad ku noqotay xayiraada socdaalka oo ay dowladda federaalka saartay Jubbaland.

"Waxaan kaloo hambalyeynayaa madaxda kale ee Soomaaliya ka timid ee jebisay cunaqabateynta dowladda federaalka Soomaaliya ay saartay maamul goboleedyadeeda," ayuu hoosta ka xariiqay.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse Beesha Caalamka waxay aqoonsan tahay maamul hoosta xukuumada Muqdisho, taasi oo xoojisay adkeynta midnimada iyo wadajirka dalka.

Inkasta oo uu ku nuux-nuux saday in ka qeybgalkiisu ahaa mid shaqsi ah, haddana wuxuu cod dheer ku qeexay in shacabka Somaliland ay Jubbaland ku garab-taagan yihiin "dulmiga" ay ku hayso dowladda federaaalka.

"Aniga Maxamed Cilmi baan ahay, shaqsi ayaan ahay, arrimo gaar ayaan u imid, waa lay casuumay waan kasoo qeybgalay, waan u hambaleynayaa shacabka iyo madaxweynaha Jubbaland," ayuu kusoo xiray.

Garyaqaanka guud ee Somaliland ayaa mar sii horeysay uga digay cid kasta iyo siyaasiyiinta in ay ka qeybgalaan caleema saarka Axmed Madoobe, waxaana uu ku goodiyey in ay sharciga horgaynayaan cidii hareer-martay amarkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM