UK iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixdey xili ay xiisad jirto

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Isniin ah qalinka ku duugey heshiisyo lacagta ku baxeysa aan la shaacin kuwaasi oo quseeya dhinaca horumarinta ayna fulineyso dowladda Ingiriiska.

Darafka xukuumadda London ayaa heshiiska waxaa u saxiixay Mr. Damon Bristow oo ah madaxa hay’adda Britain u qaabilsan dhanka kaalmooyinka caalamiga ah taasi oo magaceeda loosoo gaabiyo DFID.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Biixi, heshiiska ayaa ka kooban; wejiga labaad ee kaalmada Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland iyo kobcinta kheyraadka Tamarta.

Saxiixan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo dhowaan maamulka Hargeysa uu ka hor-yimid qandaraas loogu magacdaray Eng Yariisow, kaasi oo laga fulinayo magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Mashruucaas qeybtiisa caasimada Soomaaliya waxaa looga dhisayaa wadooyin, halka qeybtiisa magaalada dekadda leh lagu horumarinyo dowladaha hoose, sidda ku cad nuqulo kamid ah oo warbaahintu aragtay.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan hadlin heshiiska ay kala saxiixdeen Ingiriiska iyo Somaliland, oo madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii, balse aanan wali helin aqoonsi caalami ah.

Dhinaca kale, Biixi oo qaabilay danjiraha UK ee Soomaaliya, Ben Fender ayaa waxa uu kala xaajoodey arrimo ay kamid yihiin wada hadalada dowladda federaalka iyo maamulkaasi.

Wada xaajoodyadda ayaa hakad ku jira tan iyo sanadkii 2011-kii, xiligaasi oo lagu kulmay Turkiga, balse aysan kasoo bixin natiijo dhabaha u xaari karta in mar kale miiska wada hadalada dib la isugu soo laabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM