Somaliland oo xirtey, soona musaafurineysa Mustaf Dhuxulow

Image

HARGEYSA, Somaliland - Mustaf Dhuxulow, mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ahna murashax madaxweyne doorashooyinka 2020-21, ayaa la sheegay in lagu xiray caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Warbixino kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu halkaas ku tegay. Booliska maamulka gooni-u-goosadka ah ayaa ka gaabsaday in uu sharaxaad ka bixiyo dhacdadaan kadib xiriiro uu la sameeyay xafiiska Garowe Online ee magaalada.

Warar madax-banaan ayaa intaas ku daraya in Mustaf Dhuxulow oo diyaarada ka daahdey laga qabtay qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Cigaal loona dhaadhiciyey saldhiga booliska ee ku dhexyaala madaarka maxaliga ah.

"Berri ayaa diyaarad lasoo saari doonaa loona soo musaafurin doonaa Muqdisho," sidaas waxaa warsidaha Garowe Online u sheegay dhowr illo wareed oo si dhow ula socda xaaladda.

Bishii lasoo dhaafay ee October ayay ahayd markii Mustaf uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa. Sidoo kale, wuxuu kamid ahaa murashaxiintii ku shiray Muqdisho isla markaana ku baaqay in la kala diro guddiyadda hada magacaaban.

Bishii November gaar ahaan 16-keeda, sanadkii 2016 ayaa sidoo kale waxaa Mustaf Dhuxulow loo doortey xubnimada Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka, waxaana degaan doorashadiisa ay tahay maamul goboleedka Galmudug.

Xildhibaankan ayaa kamid ah sharci-dejiyeyaasha gacansaarka dhow la leh dowladda waqtiga kasii dhamaanayo ee Soomaaliya taasoo ku guuldareystay in ay wada-xaajoodyo dhab ah la gasho maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.

Bartamihii sanadkan 2020, wadahadalo Jabuuti ku dhexmaray madaxda dowlada federaalka iyo Somaliland ayaa soo dhamaaday iyaddoo aan la xalin qadiyadaha waaweyn. Shirar kale ay ku balameen ayaa u baaqdey sababo aan la ogeyn.

Somaliland oo aalaaba xirta rayidka iyo dadka caanka ah ee kasoo jeeda koonfurta ayaa tan iyo 1991-dii sheegata in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse dunida waxay u aqoonsan tahay maamul hoostaga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM