Muuse Biixi oo loo dhaariyay Madaxweynaha 5aad ee Somaliland

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka loo dhaariyay.

Xafladda dhaarinta Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici waxaa ka qayb gelaya wufuud ka kala timid dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika.

Wafdi ka socda jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ah wafdiga ugu ballaadhan oo dhan 38 ruux, waxaana hogaaminaya wasiirradda caddaaladda iyo beeraha ee Jabuuti Muumin Axmed Sheekh iyo Maxamed Axmed Cawaale.

Waxaa kaloo jira wafdi ka socda dalka Itoobiya oo uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdixakiim Cigaal Cumar, oo ay ku jiraan madax dhaqameedyo waaweyn oo uu ka mid yahay Ugaas Musdafe Maxamed Ibraahim oo ah ugaaska guud ee beesha Ciise.

Waxaa kaloo xafladda ka qayb gelaya shakhsiyaad Soomaaliyeed oo caan ah sida Bile Rafle guuleed oo sanadihii todobaatameeyadii badhasaab ka ahaan jiray gobolka togdheer iyo gobolkii woqooyi galbeed oo wax weyn ka qabtay naqashadeynta iyo jidadka magaalooyinka Hargeysa iyo burco, waxaa kale oo dadka magaca leh ka mid ah abwaanka wayn ee caanka ku ah xagga kitaarka Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, labadooduba waxay ka yimaadeen Qaaradda Yurub.

Waxaa xafladdan xilwareejinta ee madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xilka ku wareejinayo maanta madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi ka mid ah wufuudda joogta wafdi ka socda urur goboleedka bariga afrika ee IGAD iyo danjireyaal reer Galbeed ah oo qaarkood fadhigoodu yahay Nairobi.

Dad gaadhaya 1500 qof ayaa xafladda lagu martiqaaday oo reer Somaliland u badan uuna ka mid yahay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Jidadka soo gala madaxtooyada oo xafladu ka dhaceyso hool weynna laga dhex sameeyay ayaa la xidhay iyadoo ciidammada ammaanku aad u xoojiyeen nabadgelyada.

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM