Muxuu Salka ku Hayey Kulanka Muuse Biixi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka?

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland Muse Biixi ayaa aqalka madaxtooyada maalintii Axada Feb 4,2017 kula kulmay madaxda xisbiyada Mucaaradka ah ee WADANI iyo UCID, kulankaas waxaa goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxman Cabdulahi "Saylici', Wasiirka arrimaha Gudaha Maxamad Kaahin Axmad iyo siyaasi ka tirsan xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamad Samaale.

Kulankaan ayaa wararka warsidaha Garowe Online ka heley ilo ku dhow waxay sheegayaan inuu ahaa mid Madaxweyne Muuse Biixi ku raadinayo taageerada madaxda xisbiyda kuwasoo ka soo jeeda qabaa'ilada ugu tunka weyn maamulkaan kuwaasoo ku tartama siyaasada Somaliland.

" Madaama inta xilkaan uu qabtey Muuse Biixi Somaliland ay la soo gudboonaatey dhibaatooyin dhaqaale, amni iyo maamul xumo ka timid qaabka hogaamintiisa iyo saluug laga muujinayo golaha wasiirada uu soo xuley kuwasoo aan laheyn khibrad maamul dowladeed ayaa waxaa timid fikrad ah in Mdaxweynuhu talada dhulka dhigo islamrkaana dhageysto siyaasiyiinta kale ee kasoo jeeda beelalaha isku haya siyaasada maamulkaan." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey qof ka warqaba arimaha laga wada hadlay.

Biixi oo culeysyo siyaasadeed kala kulmay isbdalo ay kasoo horjeesteen siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha dhaqanka Somaliland gaar ahaan beesha Garxejis ayaa kulankaan ka dhacey xafiiskiisa uu ku aqbaley inuu dib shaqada ugu soo celiyo 250 shaqaale si KMG ah looga joojiyey shaqooyinkii ay ka hayeen Madaxtooyada iyo Wasaarada duulista Hawada halka uu fikrad ahaan soo dhoweeyey inuu dib u eego qaab dhismeedka golihiisa wasiirada.

Beesha Garxejis ayaa horey saluug uga muujisay tirada wasiirada laga siiyey xukuumada Muuse Biixi kuwasoo aaminsan in beelaha Habar-jeclo iyo Habar Awal qaateen tirada iyo xilalkii muhiimka ahaa.

Gudoomiayaha xisbiga UCID oo isagu kamid ahaa siyaasiyiintii misaanka kala dhacey xisbiga WADANI [Doorashadii Somaliland] ayaa sida wararkaan sheegayaan iska lahaa qaban qaabada kulankaan isagoo sida ka muuqata hadalo uu ka jeediyey goobo kala duwan eedeymo u soo jeediyey qaabka hogaamineedka Madaxweyne Muuse Biixi. Xogtaan ayaa sheegeysa in mowqifka cusub ee Faysal Waraabe soo dhoweyn kala kulmay gudoomiyaha xisbiga Wadani iyo qaybaha kale oo qaba dareenka ah in sidii loogu talagaley howluhi u socon.

Dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa tageero u raadinayey dagaalka ciidamada Somaliland ku qabsadeen tuulada Tukaraq iyadoo sida la rumeysan yahay beesha Habar Yoonis diidey siyaasiyin iney taageerto weerarkaan. Beelaha Habar Yoonis iyo Habar Jeclo ayaa ku dagaalamay degaano hoos yimaada gobolka Sanaag kuwasoo saameyn ku yeeshey xiriirka xukuumada iyo xisbiyada Mucaaradka gaar ahaan WADANI.

Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo baajin lahaa shir beelaha Garxejis bisha April damacsan yihiin iney ku qabsadaan degaanada u dhexeeya Burco iyo Ceerigaabo kaasoo ay sheegeen in aayahooda kaga tashanayaan.

Muuse Biixi ayaa aaminsan in kulankaan ay lug ku leedahay Dowlada Federaalka iyo Siyaasiyiinta beeshaan ee ku sugan Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in tan iyo intii uu xilka la wareegey Madaxweyne Biixi ay la soo gudboonaatey maamulkaan dhaqaale xumo sababtey in hay'adaha dowlada aysan helin adeeg-yadoodii gaarka ahaa kuwasoo xubnaha cusub ee Wasiirada cabasho ka muujinayaan in baahiyahoodii aan la daboolin madaama intooda badan xilal horey uga soo qaban magaalda Hargeysa.

Warsidaha GO ayaa sidoo kale ogaadey in xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo beesha caalamka uu xumaadey sababtuna tahay weerarka uu ku qaadey Madaxweyne Muuse Biixi tuulada Tukaraq taasoo ay ka horyimadeen Qaramada Midoobey iyo wadamo kale oo saaxiib dhow la ah xukuumada Somaliland.

Shacabka Somaliland gaar ahaan aqoonyahanka, Culima'udiinka, ganacsatada iyo dhalinyarada qaybaheeda kala duwan ayaa kasoo hor-yimid siyaasada colaad hurinta ah ee Madaxweyne Biixi taasoo ay u arkaan iney khatar galineyso gooni isu taagooda iyo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya inteeda kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM