Somaliland: Muusa Biixi oo u hanjabay Puntland [Daawo]

Image

HARGAYSA, Somaliland- Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa fariin Hanjabaad ah u jeediyay dowladda Puntland, kadib shir saxaafadeed saddex murashax ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Hargaysa.

Muusa Biixi ay xukuumadda Puntland uga digay in qaab Ciidan kusoo fara-galiso doorashadeeda isagoo tilmaamay in Somaliland ay kasoo daashay dagaal islamarkaana ay garowsantahay inaysan jirin wax dhaama nabad oo lagu wada noolaan karo.

"Raga maanta Ciidanka kasoo hubeynaya Garoowe dib isu wareysta awoowayaashiin wareysta, Dowladdihiinii u danbeeyay wareysta weligeed Somaliland nin gacan u qaaday isagoo Adhaxda ka jabin kama tegin," sidaas waxaa yiri Muuse.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in hadii Puntland kusii adkaysatayo daan-daansiga ay ka wado gobolka in natiijada ka dhalata muran galin doonto Caasimadda Garoowe.

"Anagu nabad baan rabnaa idin soo faragelin meyno walaaltinimadiina Jecelnahay, inaan nabad kuwada noolaano baanu jecelnahay, Laakiin waxaan u sheegayna maanta Doorashadaa hadaa soo faragelisaan oo hab ciidan kusoo faragelisaan, geeskaa wixii ka dhaca iska dhaaf cidkale Garoowe- baa lagu murmi, Caasimada lagu murmi , ballan baan taa idinka qaadaya," ayuu hadalkiisa kusii daray murashaxa Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli 07 bishan kulanka ay isugu yimaadeen Barlamanka Puntland xukuumadda ugu baaqeen inay gudato waajibaadkeeda Dastuuriga ah islamarkaana ka hortagto waxay ugu yeereen doorasho ku sheeg ka socda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Halkan ka Akhri

Arrintan ayaa keentay in gobolka Sool ay ka bilowdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo wajihi doona doorashada Somaliland.

Dhinaca kale Muuse Biixi Cabdi, wuxuu fariin u diray shacabka Somaliland isagoo ugu baaqay inay niyad wanaag muujiyaan maadama shacabku wal-wal ka qabaan in axsaabta qaybtood sameeyay rabshado hadii doorashada looga guulaysto.

Biixi ayaa tilmaamay in saddex mas'uul ee axsaabta ay diyaar u yihiin sidii loo hormarin lahaa Somaliland, wuxuuna tilmaamay in doorashadan tahay dariiqii ay ku heli lahaayeen Ictiraafka iyo aqoonsiga Somaliland.

Hal Maalin oo qura ayaa naga xiga doorashada Somaliland oo ka duwan kuwii horay uga dhacay maamulkaas, waxaana jira cabsi keentay in hawada laga saari doono baraha bulshada maalinta doorashada kuwaasoo la fasaxi doono natiijada kadib.

HALKAN KA DAAWO SHIR SAXAAFADEEDKA MUUSE BIIXI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM