Somaliland oo dalbatay daraf 3aad wadahadalka dowlada dhexe

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa dalbaday in daraf saddexaad oo ka socda dhinaca beesha caalamka ah in uu kusoo biiro wadahadalka ay la galeyso dowlada dhexe, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hargeysa.

War-saxaafadeedka ayaa yimid markii ergayga Turkiga u qaabilsan wadahadaladaasi uu shalay la kulmay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo carabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin dib u bilaabaida wadaxaajoodyada.

Oglan Bekar ayaa dowladiisu waxay kamid tahay kuwa sida wayn u daneenaya arrintaan, inkasta oo wadahadalo ay gar-wadeen ka ahayd ay noqdaan kuwa aanan kasoo bixin natiijo miro dhal ah oo xal horseeda.

Ingiriiska, Mareykanka iyo dalal kale ayaa si wayn u quudareenaya arrintaan, wallow dowlad kasta ay eegayso danaheeda siyaasiga ah, iyada oo la rumeysan yahay inay yar yihiin dowladaha isku feker ka ah.

Dowlada Farmaajo ayaa dhowr jeer ku cel-celisay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas, ayna jiri doonin gobol si gaar ah u ogi doona, waxay shaaciyeen inay la fariisan doonan maamulka Hargeysa.

Somaliland oo sheegata inay ka madax banaaan tahay Soomaaliya inteeda kale ayaa ku hungowday inay hesho aqoonsi caalami ah, taasi oo la rumeysan yahay inay kaga xiran tahay dhinaca dowlada federaalka ah.

Madaxwaynihii hore ee Puntland, ahna xubin ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, C/raxmaan Faroole ayaa xafladii caleema saarka Madaxwayne Saciid Deni kaga dalbaday xukuumada Muqdisho in la dar-dargeliyo wadahalada.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo aadaya iyada oo gobolka Geeska Afrika uu ka socdo isbedal ku socda xawaare sare, taasi oo hadii aanan laga feejignaan saameyn karta qowmiyada Soomaalida ee gobolka degta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM