Somaliland oo diiwaan-gelisay kiisas horleh oo ah fayruska Corona

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay safmarka Coronavirus ka baartay 80 ruux kadib markii lagu tuhmay in ay qaadeen cudurkaas.

Sidda lagu sheegay warbixinta maalinlaha ah ee 3-da May, 2020, waxaa xanuunka la xaqiijiyey in ay qaadeen Sideed iyo toban qof [18], kuwaas oo 10 kamid ah ay yihiin Lab ama Rag, 8-da kalana waa dumar.

Warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa lagu caddeeyay in dhamaantooda ay yihiin muwaadiniin aanan safar gelin, taas oo kadhigan in gudaha lagu qaad-siiyey.

Da'da bukaanadda cusub ayaa lagu waramay in ay kala tahay; 1jir ilaa 9jir = 1 qof, 10jir ilaa 19jir = 1 qof, 20jir ilaa 29jir = 6 qof, 30jir ilaa 39jir = 3 qof, 40jir ilaa 49jir = 2 qof, 50jir ilaa 59jir = 2 qof, 60jir ilaa 69jir = 1 qof, 70jir ilaa 79jir = 1 qof iyo 80jir ilaa 89jir = 1 qof.

Shaqsiyaadkan oo xaaladoodu caafimaad ay wanaagsan tahay ayaa kala jooga magaalooyinka; Hargeysa 13 qof iyo Borama oo ah 5 qof.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 6 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo konton (54)," ayaa la raaciyey qoraalka.

Ugu dambeyntii, ma jirto dhimasho horleh oo la diiwaan-geliyey saacadihii lasoo dhaafay. Tiradda guud ee xaaladaha waxay noqoneysaa 376, taas oo la macno ah in ay ku dhow yihiin 400 oo ay gaari karto dhowaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM