Somaliland oo ka hadashay soo celinta joogitaanka diblomaasiyeed ee Mareykanka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa wuxuu markii ugu horeysay uu ka hadlay go’aan dhowaan kasoo baxay dowladda Mareykanka oo ku saabsan inuu safaaradiisa usoo rarayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Washington oo tan iyo 1993-dii oo safaaradeeda ay ku taalay dalka Kenya ayaa sidoo kale shaacisay inay dib joogitaan diblumaasiyadeeda ee xoogan ugu yeelaneyso gudaha wadanka, gaar ahaan magaalo madaxda

Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamed [Faratoon], oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay inaanu waxba ka qusaynin maamulkiisa talaabadda ay qaadayso Washington.

Maamulka gooni isku taaga sheegta tan iyo sanadkii 1991-dii ayaa inta badan marka uu kulamo ama uu howlo uga baahdo waxaa dhici jirtay inay tagaan madaxdiisa safaradda uu Mareykanku ku leeyahay Nairobi, xarunta Kenya.

“Hadii uu usoo raro safaaradiisa Muqdisho waxba naga gelin….marnaba dhici mayso inaan tago Xamar…waxyaabo badan ayaa noo diidaya, mana ahan mid munaasab ah,” ayuu yiri Wasiirka oo VOA laanteeda Af-Soomaaliga uwaramay.

Wasiir Faratoon oo hadalkiisa sii wata ayaa soo dhaweeyay isbedalka baaxada leh ee ka socda Geeska Afrika, isaga oo dhanka kale meesha ka saarey inuu maqaamka Somaliland ee dalka Itoobiya hoos loo dhigay.

Isaga oo sii hadlay ayuu si lamid ah wuxuu gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in Qunsulka Itoobita ufadhiya Hargeysa dib looga yeeray Addis Ababa, islamarkaana uusan dib dambe usoo laaban doonin.

“Waa warar dacaayaddo ah oo la faafiyay,” ayuu hadalkiisa daba dhigay Wasiirka, kaasi intaasi raaciyay in cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid hagaagsan, islamarkaana aanu jirin mad-madow soo galay.

Gabagabadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa si cad daboolka uga qaaday in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo dowladda dhexe ee Soomaaliya, inkasta oo uu shuruud ka dhigay inay noqdaan kuwa miradhal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM