Somaliland oo shaacisay go'aano cusub oo ay kasoo saartay Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Golaha Wasiiradda Somaliland oo kulan ku yeeshay Hargeysa ayaa maanta oo Khamiis ah waxay soo saareen go'aano cusub oo la xiriira ka hortagga caabuqa Coronavirus.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa guddoomiyey shirka. Sawirro laga soo qaadey kulanka wuxuu muujiyey wasiirada oo aad u kala fog, talaabadaas oo qeyb ka ah xakameynta fayruskaas.

Go'aanada kasoo baxay shirka waxaa qeyb ka ahaa in wasiiradu ay mushaharkooda hal bil ugu deeqeen ololaha looga hortagayo xanuunkaas dilaaga ah isla markaana galaaftay kumanaan kun.

Hoos ka akhriso go'aanadda

1. In guddidii ka hortaga xanuunka Coronavirus lagu xoojiyo madaxweyne ku xigeen Somaliland iyo wasiirka horumarinta maaliyada, waxaana guddidaasi laga bilaabo maanta gudoomin doona madaxweyne ku xigeenka.

2. In madaama oo dadka intiisa badani ku dhaqan yihiin caasimada Somaliland ee Hargeysa, guddidii heer degmo ee caasimada, iyana lagu xoojiyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, waxaana guddidaasi gudoomin doona wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, si ay u diyaariyaan goobo caafimaad.

3. In dib loo eego cashuur dhaafkii xukuumaddu hore u samaysay.

4. In la hakiyey mashaariicdii horumarka ee ku jirtay miisaaniyada sannadka 2020.

5. In dawladdu ay iibsanayso dhammaan raashinka waddaniga ah ee ka soo go’ay beeraha dalka, waxaanu ka mid noqon doonaa keydka raashinka qaranka.

6. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in cashuur dhaaf loo sameeyo agabka iyo daawooyinka lagula tacaalayo xanuunka coronavirus.

7. Sidoo kale Golaha wasiiradu waxay bil mushaharkeed ugu deeqeen in lagu kabo dhaqaalaha xanuunka Covid 19, lacagtaas oo ka mid noqon doonta kharashaadka lagaga hortegayo xanuunka Coronavirus.

8. Ugu danbayn waxa goluhu go’aamiyey in wixii hadda ka danbeeya shirarkii laysugu iman jiray iyo waraaqihii la isu gudbin jiray xafiisyada loo bedelo habka tiknoolajiyada, si looga hortago faafida xanuunka Corona-virus.


Somaliland ayaa mar sii horeysay xaqiijisay in ay qabatay in ka badan 20 ruux, kuwaasoo looga shakisan yahay cudurka COVID—19, wallow aysan dhamaantooda ka muuqan astaamaha, sidda la sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM