Somaliland oo shaacisay xubno ay rabto in laga saaro guddiga Farmaajo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa soo bandhigay shuruudo horleh oo ay miiska wada-hadalka kula fariisanayaan dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wada-xaajoodyadda Muqdisho iyo Hargeysa oo hakad ku jira shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa markii u dambeysay ka dhacay Jabuuti.

Shirkii u dambeeyay oo ergo ka socota labada dhinac isku arkaan ayaa lagu saxiixay qodobo lagu sheegay "kuwa muhiim ah".

Adna Aadan, ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadalka, ayaa sheegtay in dowladda Farmaajo ay "burisay" dhamaan heshiisyadii hore.

"Hal subax in uu soo toosay ayuu yiri 'dhamaan heshiisyadii ay saxiixeen madaxdii iga horeysay waxba kama jiraan'," ayay Adna u sheegtay wariyeyaasha.

Wallow aysan dul istaagin qodobadda, waxaa qayb ka ahaa maamulka hawada, deeqaha caalamka iyo in aan la siyaasadeyn gargaarka bini'aadanimadda iyo mashaariicda horumarinta.

Dowladda Farmaajo ayaa maamulka hawada u wareejisay Muqdisho kana codsatay caalamka in ay xukuumadiisa lasoo mariyo kaalmada dibadda ee Somaliland ku wajahan.

"Waan dooneynaa in aan aragno markaan hal subax soo toosno iyaddoo hawada Somaliland laga maamulayo Hargeysa, sidduu dhigayey heshiiska," ayay hadalkeeda ku dartay.

Isagoo xukuumadiisu qaadey talaabooyinkaas xiisadda abuuray, Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Wada-hadalka dowladda Federaalka Soomalaiya iyo Somaliland.

Sidda laga soo xigtay Adna, Somaliland ayaa dooneysay in guddiga laga saaro xubno ku jira oo "xasuuq ka geystay degaanada" maamulkaas.

Inkasta oo Adna aysan carabaabin magacyadda xubnahaas, waa xaqiiqo ah in ay Guddiga ka tirsan mas'uuliyiin xilal kasoo qabtay dowladii Kacaanka.

"Suurtagal maahan in wada-hadalka la bilaabo iyaddoo Guddiga ay ku jiraan xubno qayb ka ahaa dhibtii Somaliland loo geystay," ayay kusoo xirtay, iyaddoo sheegtay in dhankooda ay diyaar yihiin.

Tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen, madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, wuxuu mid walba ku adkeysanayey in ay ka go'an tahay wada-hadaladda, balse ma jirin talaabo.

Diblumaasiyiin dusiyey in leysku raacay in ay dhacaan wada-hadaladda ayaa sheegay in lagu muran-san yahay meesha lagu qabanayo, iyaddoo ay jiraan dowlado badan oo xiiseynaya.

Sababtaan ayaa lagu sheegayaa in ay qayb ka tahay waxyaabaha dib-u-dhaca ku keenaya in dib loo furo wada-hadalka.

Sikastaba, Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah, waxayna Beesha Caalamka u aqoonsan tahay maamul xubin ka ah federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM