Somaliland oo shan shuruud ku xirtay dib u furida wada hadalka DF

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Kadib kulan aan horey loosii qorsheyn oo ay isugu yimaadeen Isniinta maanta ah, wasiirada Somaliland ayaa go'aano kasoo saarey wada hadalka dowladda federaalka ah ee Somaliland.

Go'aanada ayaa u muuqda shuruudo kuwaasi oo ay ku xerinayaa in hadii la fuliyo ay miiska wada xaajoodka la fariisan doonan xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

Shuruudaha oo ka kooban shan qodob oo u muuqda kuwa aad looga baaraan degay isuguna jira arrimo soo kordhay iyo kuwa horey u jiray ayaa waxay kala yihiin;

1: In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo.

2: In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan.

3: In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland.

4: In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Somaliland.

5: Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso.


Wada xaajoodyadda labada dhinac oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2011-kii ayaa markii ugu dambeysay waxaa lagu qabtay dalka Turkiga, iyadda oo uu Imaaraadka kasii horeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM