Somaliland oo si naadir ah uga hadashay eryida xukuumaddii Khayre

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka falceliyey kalsooni kala noqoshadii Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ku sameeyay xukuumaddii Xasan Cali Khayre.

Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ismaamulka gooni u goosadka ah Hargeysa oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ee KFTV, ayaa si naadir ah u wajahay qadiyadan xasaasiga ah.

Inkasta oo uu carabka ku dhuftay in aysan khuseyn kana hadlin arrimaha gudaha Soomaaliya, haddana Gaaxnuug ayaa ku tilmaamay hanaankii loo diray xukuumaddii Khayre "mid mas'uuliyad darro ka muuqato".

"Dowlad wax aan ka badneyd rubi-saac gudaheeda lagu ridday waa arrin aduunka oo dhan la yaabay, waa arrin ay ka muuqato iyadda dhexdooda aaney is-aamini karin, Beesha Caalamka ee la shaqeyneysay aaney aamni karin, innagana dowladii wadahadalada nala wadday in ay 30 daqiiqadood ku dhacdo waxay muujineysaa sidda ay unreliable u tahay xukuumadda Muqdisho ka dhisan, waana nasiib darro," ayuu yiri, isagoo taageeray walaaca caalamka.

Wallow uu qaabkaas uu uga hadlay, Gaaxnuug ayaa sheegay in uusan jirin mowqif ay iska taagayaan qadiyadaas, isagoo ku doodey in aysan dooneyn "faragelin ay ku sameeyaan arrimaha gudaha Soomaaliya".

"Marka Somaliland iyo Soomaaliya waxay wadaagaan ma jirto oo aan wadahadaladdaas ahayn," ayuu tibaaxay. "Ma jirto sabab aan mowqif uga yeelanayo waxyaabaha ka dhacaya wadamada jaarka ah".

Bishii hore ee July ayay ahayd markii Aqalka Hoose oo ku shiray Muqdisho uu eryay Khayre, oo dhankiisa dib ka shaaciyey in uu is-casilay kuna tilmaamay hanaanka shaqadda loo racdeeyay "mid sharci darro ah".

Dad badan ayaa aaminsan in kala diridda xukuumadda ay dharbaaxo ku noqoneyso howlo badan oo ay gacmaha kula jirtay, waxaana ugu horeeya doorashooyinka qaran ee 2020-21 iyo wadahadalada Somaliland.

Wallow 1991-dii ay sheegteen madax-banaani, caalamka wuxuu wali u aqoonsan yahay Somaliland maamul hoostaga xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

Dhawaqa maamulka Somaliland oo uu ka muuqdo walaac la xiriira in ceyrinta xukuumadii Khayre saameyn karto wada-xaajoodyada Jabuuti martigelineyso ayaa xoojinaya in talaabadaas ay dalka u horseedi karo natiijo taban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM