Somaliland oo xubin ku darsatay guddi maamulka shidaalka Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay soo dhaweysay magacaabida lix agaasime madax-banaan kuwaasoo Hay'adda Maamulka Shidaalka dalka ku kormeeraya fulinta waajibaadka loo xil-saarey.

Lixda agaasime ayaa ka kala timid gobolka Banaadir, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Somaliland, balse waxaan wali soo xulan Puntland taasoo qaadacdey habka maareynka kheyraadka.

Caasha Cusmaan Axmed ayaa metalaysa gobolka Banaadir. Ibraahim Axmed Layte wuxuu ka socdaa HirShabelle. Cabduqaadir Aadan Maxamuud wuxuu ka yimid dhanka Galmudug. Ibraahim Cabduqaadir Maxamed waxaa soo magacowday Koonfur Galbeed, Axmed Xaaji Cabdi waxaa soo xulatay Jubaland, iyo Cabdixafiid Cali Dirir oo maamulka gooni u goosadka Somaliland matalaya.

Xilli Mahad Maxamed Xasan uu ka socda dowladda, hadana Ibraahim Xuseen ayaa Julaayo loo magacaabay Madaxda Fulinta maamulka shidaalka Soomaaliya, iyaddoo ay ku xigeen u noqotaya haweenayda kaliya Caasha.

Xuseen oo u waramay shabakada Energy Voice ayaa sheegay in ay dardargelin doonan shaqada hortaala oo ah dhiraan-dhirinta habka loo wadaagayo dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka kheyraadka saliida waddanka.

"Waxaan naga go'an in aan ka dhabeyno hamigeena ah in aan waddankeena u soo jiido maalgelin shidaal oo caalami ah si aan sarre ugu qaadno soo kabashada dhaqaalaha iyo dakhliga kheyraadka," ayuu ku daray hadalkiisa.

Puntland oo shirkadaha caalamiga ah uga digtay in ay maalgeshiga kheyraadka aan wali lagu heshiin ee Soomaaliya ayaa doodeeda ku saleysan tahay in baahi loo qabo wada-xaajoodyo dhab ah oo looga heshiiyo wadaaga.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo riixeysa xaraashka xirmooyin shidaal kuwaasoo laga helay maamulada marka laga reebo Puntland ayaa, sidda ay siyaasiyiintu sheegeen, waxay rabtaa in lacagta kasoo xaroota u adeegsato doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM