Taliye Nuux Taani oo eedeymo culus kala kulmay dhinacyo kala duwan

Image

HARGEYSA, Somaliland – Taliyaha Ciidanka Milatariga ee Somaliland ayaa waxaa aad loogu dhalaaceeyay hadalkii kasoo yeeray ee uu ku duray Saciid Cawil oo ku caan-baxay magaca Korneyl Caare.

Sareeye Guuto Nuux Ismaaciil Taani, ayaa shir jaraa’id oo uu Axadii ku qabtay Hargeysa wuxuu ka sheegay in sarkaalkan oo ka goostay maamulka Hargeysa "uu yahay dambiile dil toogasho mudan".

Hasa ahaatee, waxaa erayadaasi aad u cambaareeyay odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Korneylka, kuwaasi oo garwadeen ka ah wada xaajoodyo u dhaxeeya Caare iyo xukuumada Muuse Biixi.

"Hadii cid dambi lagu qaadayo, cidii istaahil u leh hala geeyo. Nuux wuxuu istaahil ku yahay in la geeyo Hague [Maxkamadda Cadaaladda Aduunka]," ayuu yiri mid kamid ah wax-garadka oo warbaahinta la hadlay.

Caare oo sameystay jabhad la yiraahdo Dulmi-diid markii uu ka goostay ciidanka Somaliland ayaa waxa uu la galay maamulkan dagaalo kharaar oo ay ku daateen dhiig fara badan.

Indheer-garadka ayaa raaciyey: "Jamhuuriyaddii Somaliland ee lawada lahaa maantuu burburiyay. Sidaasi darteeda, waxaan leenahay dacwadiisa haloo gudbiyo Hague, oo caalamka haloo bandhigo".

Iyaga oo luqad adag isticmaalaya, cuqaasha oo ka digay "hanjabaada" Jeneraal Taani ee ah in uu "cadaaladda horkeenayo" Caare ayaa ku tartarsiiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi "in uu talaabo ka qaado" taliyaha.

Intii uu war-fidiyeenka u waramayey, taliye Taani ayaa sidoo kale soo qaadey ciidamadii dhowaan kasoo baxay Somaliland ee dhanka Puntland u soo wareegay, wallow uu hoos u dhigay wax-qabadkooda.

Balse waxaa arrintaasi ku dhaliilay Cabdiraxmaan Dhoore, oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiiladda dowladda Puntland, kaasi oo ku sifeeyay dhawaqaasi "gef iyo abaal-dhac ah" aanan geed loogu soo gamban.

"Ciidamadaasi waxaa ciidamadii kala ilaalin jiray markii uu dagaal ka dhaco Ceerigaabo, Gar-adag Ceel Afweyn. Waa ciidamadii nabadda kala ilaalin jiray beeliyihii ay qaldeen oo ay iyagu isu direen," ayuu xusay.

Xildhibaanka ayaa shacabka gobolka Sool ku buraarujiyay in ay ku waano qaatan hadalka taliye Taani. "Ciidamadiina maalintaad dib iska kicisaan, hadaaladaasi iyo mid ka xunba wuu idin oran doonaa".

MUUQAALKA TAANI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM