Wararkii ugu dambeeyay Ololaha doorashada Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gudiga Doorashada Somaliland ayaa ka warbixiyay halka uu marayo Ololaha doorashada xilli 11 maalmood ay ka harsan tahay in shacabka u dareeraan goobaha codbixinta.

Gudoomiyaha Gudigan Cabdiqaadir Imaan Warsame ayaa warbaahinta u sheegay in si habsami leh ku socdo Ololaha, iyaguna ka shaqeynayaan hadda qabashada iyo la socodka doorashada.

Xubnaha gudiga oo oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxay kulan la qaateen Madaxweynaha xilka kasii degaya Axmed Siilaanyo, kaasi oo ay uga warbixiyeen qorshaha doorashada iyo sida ay hadda wax u socdaan.

Waxay sheegeen in ay ka shaqeynayaan inay qabtaan doorasho xur iyo cadaalad ku salaysan, oo dusha kala socon doonaan kormeeriyaal caalami iyo heer gobol ah, oo hadda soo gaaraya magaalada Hargeysa.

Cabdiqaadir ayaa intaasi ku daray in ay shaqaalaha doorashada ay u kalal direen dhamaan goobaha laga qeybiyay kaararka, iyadoo aad looga shaqeeyay inaysan dhicin ku-shubasho codadka ah.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo aadan lasoo gaba-gabeeyo Ololaha doorashada ay wadaan Xisbiyada Siyaasaada Somaliland, kuwaasi oo kala ah UCID, WADDANI iyo KULMIYE, oo aad sanadkan loogu eedeeyay inay ku dhaqmeen qabyaaladda.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in khataro badan ay ku hareeraysan yihiin Doorashada dhacaysa 13-ka Novomber.

Halkan hoos ka daawo Muuqaalka:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM