Wasiir Sacad oo su'aallo laga waydiiyay aqoonsiga Somaliland [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr Sacad Cali Shire oo su'aallo laga waydiiyay ictiraafka maamulkiisa ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in aysan jirin cid xaqirsan jiritaankooda, isaga oo carabka ku dhuftay inay xitaa dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay qirsan yihiin.

"Ma jirto cid xaqirsan inaan nahay dad jira, balse, waxaan isku hayno inaga iyo dowladda Soomaaliya waxay tahay waxa naga dhaxeeya iyo sidii aan ugu kala bixi lahayn qaab wanaagsan," ayuu Wasiir Sacad ka sheegay kulan su'aallo waydiin ah oo uu Hargeysa uga qayb-galay.

Mar la waydiiyay hadii uu ku fashilmay in mudada Labadda sano iyo barka ah ee uu Xafiiska joogay inuu Somaliland ukeeno aqoonsi caalami ah, ayuu iska difaaca eedaas, isaga oo sheegay inuu shaqo wanaagsan qabtay, balse, ay wali wax uharsan yihiin.

"Somaliland, waxana xil ka hayaan Lix sano. Wasiirka qorshaynta oo aan Afar-sano ahay, iyo Wasaarada Arrimaha Dibada oo labo sano bar aan joogo, waxaana aaminsanahay in mudada aan xafiiska joogo waxaan qabtay wax aysan cid kale qabayn lahayn," ayuu raaciyay.

Wadahadal dhex-mara Somaliland iyo dowladda Feeraalka Soomaaliya ayuu Wasiirka si cad daboolka uga qaaday inuu maamulkiisu mar walba diyaar uyahay, inkasta oo mar sii horeysay uu maamulka Muuse Biixi hakad geliyay kadib khilaaf soo kala dhex-galay DFS iyo Hargeysa.

Isaga oo soo hadal-qaaday isbedalada ka socda gobolka Geeska Afrika ayuu ku nuux-nuux saday Sacad Cali Shire in Somaliland ay ugu jirto dano wayn, si gaar ah dhinacyadda Dhaqaalaha iyo Siyaasada ayuu si gaar ah farta ugu fiiqay.

Ugu dambeyn, Wasiir Sacad oo ka jawaabaya su'aal ku saabsan sababaha masuuliyiinta maamulkiisa aysan utegi karin Magaalada Muqdisho si ay ula xaajoodaan dowlada Federaalka ayuu carabka ku adkeeyay inuu sidaasi sheegayo Dastuurkooda.

Shalay oo Jimco ah ayay ahayd markii Magaalada Hargeysa lagu xiray Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa la sheegay inuu yahay Xoghayaha Xafiiska Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Soomaaliya, kaasoo ay sheegeen Hay'addaha amaanka Somaliland inay maxkamad soo taagayaan.

Sacad Cali Shire, oo ah Wasiirkii 12aad ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland xilka ugu sareeya ka qabta ayaa waxaa tan iyo markii ay ku dhawaaqeen inay ka madax banaan yihiin Soomaaliya inteeda kale waxay ku howlanaayeen raadinta aqoonsi uu helo maamulkaan gooni isku taaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM