Wasiirada Somaliland oo go'aan kasoo saarey doorashada muranka hareeyay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa Khamiista maanta ah waxay go'aan cusub kasoo saareen doorashooyinka khilaafku hareeyay ee maamulkaas gooni u goosadka ah, sidda lagu sheegay qoraal.

"Fadhigii 62aad ee golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Ugu horrayn wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabad-gelyada dalka. Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa golaha warbixin ka siiyey hirgelinta nidaamka E-government iyo halka uu marayo isagoo wasiirku tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay dalka".

"Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda dhaqaale ee iyo saamaynta uu ku yeeshay safmarkii xanuunka karoona Fayris (Corona-virus), wuxuuna wasiirku golaha horkeenay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ee saddexda sanno ee soo socda 2021-2023, si aragti guud iyo saadaalin runa looga helo geeddi-socodka dhaqaalaha iyo maaliyadda, loona hubiyo in dakhli ururinta guduhu ku filan tahay daboolidda kharashaadka dawladda iyo mashaariicda horumarineed ee mudnaanta leh, waxayna siyaasaddani jaangoynay samaynta miisaaniyad-sanadeedka 2020 -2021," ayaa la raaciyey.

War-saxaafadeedka ayaa ku daray: "Dhinaca kale, wuxuu goluhu ansixiyey siyaasadda shaqo abuurka Somaliland oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska".

"Ugu danbayn waxa goluhu dood dheeer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, wuxuuna goluhu go’aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Somaliland," ayaa lagu soo xiray.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo maamulka Hargeysa ku lumiyey taageerada dhaqaale ee caalamka ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay baaqdey shan jeer, arrintaas oo xisbiyadda ka gadoodeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM