Xaalada ajaaniib ku go'doomay Somaliland oo laga deyriyey

Image

NEW DEHLI, India – Xaalada sideed kalluumeysato oo kasoo jeeda ismaamulka Tamil Nadu ee Hindiya kuna go'doonsan magaalada Berbera ee Somaliland ayaa liidata, waxayna rabaan in dalkooda lagu celiyo.

Sidda uu wariyey mareegga Hindu Tamil, muruq-maalatadaan waxay kala yihiin; Chithravel 27-jir, Viswanathan 47-jir, wiilkiisa Cheran 22-jir, Muthukrishnan 28-jir, Manimaran 34-jir, Prabhu 27-jir iyo Suresh oo 35-jir.

Dhibaatooyinka haysta ayaa la sheegay in ay kamid yihiin cunto iyo hoy la'aan isla markaana ay la daalaadhacayaa xaalado ka dhashay Coronavirus.

Dhaqdhaqaaqa u dooda xuquuqda kalluumeystada Tamil Nadu oo dowladda dhexe ee Hindiya waydiistay in ay soo badbaadiso xirfad-layaashaas ayaa tilmaamay in ay Somaliland ku tageen qandaraas ay la galeen shirkad.

Inkasta oo warbixinta bogga aan lagu soo bandhigin magaca shirkadaas ka shaqeysa arrimaha kalluumeysiga, haddana waxaa la wariyey in heshiisku dhacay 25-ka bishii October sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2019.

Deeran Thirumurugan, oo ah qareen u doodaya shaqsiyaadkaas, ayaa sheegay in shaqooyinkooda uu curyaamiyey safmarka Coronavirus.

"Waxay codsanayaa in la badbaadiyo maadaama aysan cunto haysan, waxay doonayaa in ay guriyooda kusoo laabtaan," ayuu raaciyey.

Warbixinta uu daabacay Hindu Tamil ayaa intaas ku dartay in safaaradda Hindiya ee Muqdisho ay riixeyso dedaalada dib u celinta shaqaalahaan.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay maamulka gooni u goosadka ah ee fadhigiisu yahay Hargeysa.

Kalluumeysiga ayaa wuxuu yahay fursadaha shaqo ee ka jira gudaha Soomaaliya, balse shirkadaha maalgeliya waxay uga faa'iideeyaan ajaaniibta xilli ay muwaadiniinta waddanka ee shaqo la'aanta ah ay aad u sareyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM