Xasan Daahir Aweys oo qodobo ku taageeray Farmaajo [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kasoo mid noqday saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, hadana ku jira gacanta dowladda Soomaaliya, ayaa khudbad uu isaga duubay Taleefoonka gacanta wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay jirto, Mabda'a dowladda ay ka haysato ururka Al Shabaab, mowqifka Madaxweyne Farmaajo ee maamulka Somaliland, taageerada Shacabka iyo duco uu u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Khudbad gaaraysay 40 daqiiqo ayuu wadaadkan oo ku jira xabsi guri ku sheegay in dowladda Soomaaliya fikir khaldan ka haysato ururka Al Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay doonayaan dowladd wax ku xukunta shareecada Islaam-ka, taasina ay tahay mida uu ku khilaafsanyahay Madaxweyne Farmaajo.

"Walaalow Shabaabka waan kugu khilaafsanahay waana kugu khilaafsanaa, qaabka looga hadlo Shabaabkana waa qaab aan isleeyahay waa warka uu cadowgu meeriyo ee war Islaam maaha, war Soomaali maaha, war siyaasiya maaha, war Caqliyana maaha," sidaas waxaa yir Xasan Daahir oo intaas ku daray, "Nimankaan dowlad dooni maayaa sax maaha, nimankaan dowlad bay doonayaan laakiin dowlad Islaam ayay doonayaan."

Wuxuu sheegay in ururkaas uu galay khaladaad badan oo ay ku jirto inay laayeen cuqaashii, waxgaradkii, culimadii iyo hal doorka bulshada, taasina tahay mid uusan ku raacsanayn.

"Waa laga yaabaa inuu tasarufku ka xumaado oo aanigu waafaqsanahay inay wax badan ka halaysanyihiin ayna haleeyaan... Dad hub qaadaa wax layntooda aa badan, hadafku xitaa hadii uu u wanaagsanyahay wax hallayntooda aa badan," ayuu yiri Xasan Daahir.

Wadaadkan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday mowqifka Madaxweyne Farmaajo ka istaagay Somaliland, wuxuuna yiri, "Sida aad u sheegtay nimanka anagu reer Waqooyiga aan dhahno iyaguna Somaliland is yiraahda, laakiin Somaliland waa dhul Soomaaliyeed waaye waa warkii Isticmaarku u yaqaanay waaye, waxaan u malaynayaa warkaad sheegtay sax weeye aniga waan sheegay, waxa weeye nimankaas labo shayba waa lagu dulmiyay; waxa weeye dowladnimadii ay keeneen waa lagu dulmiyay, sida loogu dulmiyay kolay adigu markii maadan sheegin, laakiin sida loogu dulmiyay aan waxyar ka taabto; waxa weeye markii ay dowladdii keeneen halkii la rabay in labo dowladood loo dhaqmo waxaa lagu daray Qabiil aa lagu daray, markaasaa waxaa loo xisaabtay wax la yiraahdo Qabiil, waana meeshii SYL ay ka khaldameen, oo markii hore intay Soomaalinimadii faafiyeen ayaa markii ay dowladii keeneen Qabiil loo rogay, oo Irir iyo Daarood lagu dhaqmay, ayaga marka Irirkii ayaa lagu daray, qabiil ayaa inta loo rogay waliba qaabiil ay iyaku qaabiil ku ahayn oo aysan qiimo ku lahayn lagu daray," sidaas waxaa yiri Xasan Daahir.

Daahir ayaa tilmaamay in khaladkaas mid kasii daran ay gashay dowladii waqtigaas jirtay oo markii ay ka gilgisheen caddaalad darradii ay tirsadeen Jabhadii ka aas-aasantay Somaliland lala dagaallamay, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ku bogaadiyay inuu garowsanyahay in dadkaas khalad laga galay isagoo ku taliyay in lala hadlo oo la isku dayo in magdhow laga siiyo wixii dhacay.

Mar uu ka hadlayay taageerada uu Farmaajo ku leeyahay shacabka ayuu xusay inay ku timid kalsooni uu u muujiyay Madaxweynaha hadda talada haya waqtigii uu ahaa Ra'isal wasaaraha iyo qaabkii uu shaqada uga tagay, balse wuxuu su'aal galiyay inay sii jiri doonto isagoo uga digay tallaabadii ku dhacday Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Khudbadan, wuxuu sidoo kale Xasan Daahir ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo looga baahanyahay inuu fuliyo haddalada wanaagsan iyo khubadan fiican ee uu u jeedinayo dadweynaha isagoo ka dalbaday inuu lahaado dulqaad, deeqsinimo iyo geesinimo.

Duco ayuu sidoo kale hawada u mariyay Madaxweynaha Soomaaliya isagoo ALLE uga baryay inuu hanuuniyo, dadka usoo hanuuniyo, wuxuu tilmaamay inuu wax kasta oo uu samaynayo noqdaan mid Rabbi raali ka yahay.

Dhanka kale Xasan Daahir ayaa carrabka ku dhuftay inuu u xiranyahay fikirkiisa ku saabsan in waddankaan lagu dhaqo shareecada Islaamka isagoo xusay in waqtiga haatan laga joogo 50 sano uu bilaabay hirgalinta mabda'an.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli Hogaamiyihii hore ee Xisbul Islaam uu muddo dheer ku jiro Xabsi Guri sidoo kale Mukhtaar Roobow oo ay isla soo shaqeeyeen isna dhawaan uu isa soo dhiibay, walow dowladda Farmaajo ilaa iminka shaacin qorshaheeda ku aadan labadaas sarkaal.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA XASAN DAAHIR AWEYS

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM