Xisbiga WADDANI oo isusoo baxii ugu danbeyey ka sameeyay Hargeisa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Xilli ay 3 maalmood ka hartay waqtiga doorashada Madaxtinimo ee Somaliland, Xisbiga WADDANI ayaa isusoo bixiisii ugu danbeyey ka sameeyay magaalada Hargeisa.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi "Cirro" ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysay u jeediyay boqolaal taageeriyaashiisa ah oo isagu soo baxay fagaaraha beerta Xuriyada ee Hargeysa.

Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay xilligan wajahayso saddex dhibaato oo kale ah Siyaasadda, dhaqaalaha iyo mid bulsho, oo uu kusoo arkay dhamaan gobolladii Ololahiisa uu kasoo sameeyay.

Wuxuu ku eedeeyay Xisbiga talada haya ee KULMIYE inuu yahay mid uga daray dhibaatooyinka jira, sida musuq-maasuqa, shaqo la'aanta dhalinyarada, sicir barar, abaaraha, qabyaalad iyo nin jeclaysi baahsan.

"Xisbiga Kulmiye waa ka-dare, oo dhibaatooyinkii jiray waxba kama uusan qaban," ayuu yiri Cirro.

Cirro ayaa tilmaamay in Shacabka Somaliland ay doonayaan in la bedelo KULMIYE, oo laalan adag ugu jiro inuu shanta sano ee soo socota xukunka sii hayo, isagoo u sharaxan sanadkan Muuse Biixi Cabdi.

Musharaxiinta Xisbiyada Siyaasadeed Somaliland ayaa midba midka kale ku eedeeyay qablaayadda iyo arrimo kale oo xasaasi ah, taasi oo ka dhigtay doorashada sanadkan 2017-da mid aad u adag oo indhaha lagu hayo.

Musharax Cirro ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu Somaliland ku celin doono Soomaaliya hadii uu doorashada ku guuleysto iyo inuu dhaqaale badan ka qaatey, sidoo kalena wuxuu iska fogeeyay inuu warqad u qoray Michael Keating taasi oo uu ku dalbaday in isaga la taageero, lana xiro Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Talada haya.

"Kulmiye iyo UCID waxay awoodi waayeen inay soo bandhigaan xal macquul ah oo wax looga qabanayo duruufaha ka jira Somaliland iyo barnaamijkooda lagu dooranayo, taasi bedelkeeda waxay waqti badan ku bixiyeen eedo been ah oo shacabka ku leeyihiin Soomaaliya ayaa la adin wadaa, WADDNI maaliyiin doolar ayuu qaatey, iyo warqad ayuu u qoray UN-ta," ayuu yiri Cirro.

Xisbiga WADDANI ayaa sheegay inuu aaminsan yahay madax-banaanida iyoo gooni isu taagga Somaliland, isagoo ku ugu baaqay Kulmiye iyo UCID inay tanaasulaan hadii aysan tartami karin doorashada.

Cirro ayaa daboolka ka qaadey inuu xisbigiisa fududeyn doono maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland, sidoo kalena uu meesha ka saari dooni heshiisyo kasta oo sifo aan sharci ahayn ku baxiyay Kulmiye.

Cabdiraxmaan Cirro, oo horey usoo noqday Afhayeenka Gollaha Wakiiladda Somaliland ayaa balan-qaadey Isbedel iyo inuu dhimayo canshuuraha Badeecadaha, sidoo kalena wax qaban karo daruufaha ka taagan maamulkaasi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM