Hogaanka siyaasada Somaliland oo saxiixay heshiis lasoo curiyey

Image

HARGEYSA, Somaliland – Kadib sanado ay madaxa iskula jireen kuna fashilmeen in ay is-xaliyaan, hogaamiyeyaasha siyaasadda Somaliland ayaa aakhriritaankii ku heshiiyey faragelinta beesha caalamka.

Wallow wali uu mucaaradka su'aal gelinayo in uu dhaqan-geli doono heshiiska cusub, haddana nuxurkiisu waa saddex qodob oo kala ah;

-In guddigii hore ee is-casilay ay maamulaan doorashooyinka

-In doorashooyinka lagu qaban-qaabiyo muddo 8-9 bilood ah

-In doorashooyinka ay qabsoonto sanadkan 2020

Doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka maamulka gooni u goosadka ah ayaa lix jeer dib u dhacay lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Cabdiraxmaan Cirro, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa wuxuu daaha ka rogay in Beesha Caalamka gaar ahaan danjiraha Midowga Yurub uu "soo curiyey" heshiiska ay qalinka ku duugeen.

Isagoo wareysi gaar ah siiyey Saab Tv, afhayeenkii hore ee baarlamaanka Somaliland ayaa dadweynaha ku booriyey in ay isu diyaariyaan doorashooyinka isla markaana si weyn ugu soo baxaan.

"Guddiga haatan jira wuxuu yeelan doonaa ku dhawaaqista oo kaliya, halka guddigii hore ee lagu wareejiyey shaqooyinka kale tusaale ahaan maamulka goobaha cod-bixinta iyo miisaaniyadda," ayuu xusay.

Heshiiska cusub wuxuu qeexayaa in guddiga maamulaya howlaha doorashooyinka ay saddex xubnood ku yeelaneyso Beesha Caalamka.

Wallow uu muujiyey "in laga wanaagsanaa in la heshiisiiyo", haddana Saaxiibada caalamka ayuu cod dheer kaga mahadceliyey doorkooda ku aadan in xal laga gaarey isqabqabsigii mudda dheer taagnaa.

"Inkastoo aysan ahayn in nala heshiisiiyo haddana ahmiyaddau waxay tahay in hadda heshiis la gaarey. Beesha Caalamka way ku mahadsan yihiin doorkooda iyo heshiiskaa ay soo curiyeen," ayuu carabka u dhuftay.

Somaliland oo 1991-dii ku dhawaaqdey in ay Soomaaliya ka go'adey balse aan wali aqoonsi caalami ah helin ayaa isqabqabsiga doorashooyinka ku lumisay kalsoonida caalamka, sidda uu qiray mucaaradka.

Madaxweyne Biixi oo horey loogu eedeeyay in uu fulin waayey heshiis noocaan ah oo Beesha Caalamka kasoo shaqeysay ayaa ogolaanshiyahiisa midka cusub kusoo aadeysaa iyaddoo uu wajahayo cadaadis.

Cadaadiska ayaa ka dhashay kulan uu caasimada Itoobiya ee Addis Ababa uu kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo ay kawada xaajoodeen in dib loo bilaabayo wadaxaajoodyada istaagey hakadey.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM