Xajka sanadkan oo kulmiyey wasiiro ka tirsan XFS iyo Muuse Biixi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyagoo u muuqda in ay wax xoogaa dhinac isaga leexiyeen siyaasadda, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayaa ku kulmay Sacuudiga.

Xubnaha ka socda dowladda federaalka ee kasoo muuqday kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa; Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Kalluumeysiga iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Dhinaca maamulka Hargeysa ee is-araga kasoo muuqday kuwaasi oo wehlinayey Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa kamid ahaa; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin iyo xubno kale.

Mas’uuliyiintan oo kulankooda uu ka dhacay magaaladda Mina ayaa waxay u tageen Boqortooyadda Sacuudi Carabiya gudashada acmaasha Xajka oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Diinta Islaam-ka.

Sidda ku xusan war-qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Soomaaliya ayaa Xajka sanadkan 2019 waxay ku lahayd 11,500 oo Xaaji ah, kuwaasi oo badankooda xaadiray.

Talaabada is-araga xubnahan oo noqoneysa mid naadir ah ayaa baraha bulshadda qabsatay, waxayna ka dhalisay hadal-heyn xoog leh, inkasta oo fekeraha laga bxinayo ay yihiin kuwa aad u kala duwan.

Is-gacan-qaadkan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo kala aragti duwanaanshiyo siyaasadeed oo baaxad leh ay ka dhex-aloolsan tahay Muqdisho iyo Hargeysa, taasi oo ku aadan wada hadalka hakadka ku jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM