Xisbiyo walaac ka muujiyey war-murtiyeedkii shirka Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah xisbiyadda mucaaradka ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta maamul goboleedka Galmudug.

Shirkaasi oo habeenimadii Talaadada uu soo xiray madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalay ergo tiradeeda lagu sheegay in ka badan 500 oo ruux oo bulshooyin kala duwan ka socotay

War-murtiyeedkaasi ayaa wuxuu u ogolaanayaa dowladda federaalka in ay qaban-qaabiso, fududeyso, sameyso maamul gobleed ayna soo saarto shuruudaha lagu soo xulayo Xildhibaanadda.

Hase ahaatee, tani "oo ah farogelin qaawan iyo la wareegida guud ahaan geedi u socodka" ayaa ka hor-imaaneysa dastuurka qabyadda ah ee uu dalku leeyahay, sida ay sheegeen xisbiyadda.

Hoos ka akhriso qoraalkooda oo dhameystiran

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM