Axmed Madoobe oo lagu oo dhaweeyay magaaladda Cadaado

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO, Galmudug - Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Sabti ah booqasho Tariikhi ah ku tagay Magaalada Cadaado ee Dowlada Galmudug.

Dadweynaha Magaalada iyo Masuuliyiinta Dowlada Galmudug ayaa Madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaaladan isla markana uu mudo ku noola sidoo kalana uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa halkan.

Wuxuu sheegay Madaxweynahu in uu jacaylkii uu aabahii Magaaladan u qabay mid lamid ah uu u hayo Shacabka iyo Magaaladan isla markana uu mar walba niyada ku hayo.

Shacabka ree Cadaado ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay garab istaagan Dowlada Cusub ee Galmudug oo ay la shaqeeyaan isagoo sheegay in dadka deegaankan lagu yaqaanay Walaalnimo iyo is jacayl taas oo ka dhigtay meel mar walba lagu soo hirto.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM