Farmaajo oo Rome kula kulmay dhigiisa Talyaaniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ROME - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintiii labaad booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo kula yeeshay Qasriga Quirinale Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa'ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool.

Madaxweyneyaasha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada faa'ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed.

"Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa'iido u leh dadkeenna."

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga. Kulanka oo ay hadallo ka jeediyeen xubno ka mid ah Jaaliyadda ayay uga hadleen sida ay ugu han weyn yihiin dadaallada horu socodka ah ee ay haatan ku tallaabsanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay Jaaliyadda ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin isbeddelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ee ku dhisan iskaashi, isdhexgal dhaqaale, is-ixtiraam iyo wax wada qabsi.

Madaxweynaha ayaa, sidoo kale, Jaaliyadda uga xog warramay Barnaamijka Isxilqaan ee sida mutadacnimada ah dib loogu dhisayo dhismayaashii danta guud, wuxuuna ku boorriyay inay gacan ka geystaan tageerada barnaamijkan lagu soo nooleynayo astaamihii Qaranka Soomaaliyeed.

Gebogabadii kulanka, Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, ayna kala shaqeyaan dowladda hirgelinta dadaallada ay waddo ee dib loogu soo celinayo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM