Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyey hindise-sharciyeedyo

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay kulan ku yeesheen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiiradda ayaa waxay meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Shirka ayaa lagu ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

Xeerka hay'addaha aan dowliga ahayn ayaa waxaa kasoo horjeestay xisbiyada mucaaradka oo sheegay in uu caqabad ku noqonayo wada-hadalka Somaliland.

Dhinaca kale, Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhan-yahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddoominayay shirka ayaa bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo Gardafuu oo ay daadadku saameeyeen.

Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Golaha Wasiirrada warbixin faahfaahsan ka siiyay weerarkii hotelka SYL.

Golaha wasiirrada ayaa dhankooda bogaadiyey dadaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesinimada lahaa ee ciidamdu ku badbaadiyeen dadka shacabka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha + GO

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM