Karaash oo furay shirka Madasha maamul daahinta ee Puntland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Talaadada maanta ah furay madasha Maamul baahinta Puntland.

Ujeedka waa dardargalinta siyaasadda maamul baahinta iyo sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose.

Masuuliyiinta Wasaaradaha la shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo xubno kale ayaa ka qeybgalay.

Karaash ayaa sheegay in mashruucaan horumarinta degmooyinka Puntland uu yahay masuuliyad wadareed la wadaago,mudada uu shaqeynaayo faa'idooyin laga dhaxlay.

Ka qeybgaleyaasha ayuu booriyay in ay go'aan ka gaaraan sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose.

"...maadaama muddo howshiisa laga soo shaqaynaayey," ayuu hadalkiisa ku daray, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda.

Ugu dambeyntii, madaxweyne ku xigeenka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirka uu noqdo mid kusoo dhamaada qaab wanaagsan iyo natiijo wax ku ool ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM