Madaxda dowladda Soomaaliya oo sagootiyay Safiir la bedelay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa shalay kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo haddiyado guddoonsiiyay safiir Olgan Bakar ayaa uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay intii dalka ka shaqaynayay.

“Waxa aan maanta kulan sagootin ah u sameeyey danjire Olgan Bakar oo muddadiisii loo soo magacaabay Dalkeena ay soo idlaatay. Waxa uu uu kaalin muhiim ah ka qaatay adkeynta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Mahadsanid Olgan Bakar, Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ma illoobi doonaan garab istaaggii aad muujisay muddadii aad ka howl-galeysay Soomaaliya”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday ee Turkiga u qaabishanaa Soomaaliya, Olgan Bakar, ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii ahaa safiirka, iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay.

Madaxda kale iyo Xildhibaanno, oo ay ku jiraan Cabdiweli Muudey, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka iyo Taliyaha Ciidanka xoogga, Jeneraal Indha-Qarshe ayaa Safaaradda ugu tagey Danjirahii hore ee Turkiga.

Safiirka la bedelay ayaa sidoo kale waxaa billado gudoonsiiyay xubno kamid ah dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, iyagoo ku amaaney wax-qabad mudadii uu xilka hayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM