Madaxweynaha maamulka Galmudug oo magacaabay lix mas'uul cusub

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Maxkamadaha gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo ku xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee DGM.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah;

1-Saciid C/raxmaan Shiikh : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Galgaduud

2- Maxamed Cabdi Kadiye : Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

3-Jimcaale Cali Salaad : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug.

4- Cabdirisaaq Cali Yusuf : Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug.

5-Cabdullaahi Cali Cumar : Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee DGM.

6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee DGM.

Madaxweynaha ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday Baahida degdega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka.

Madaxtooyadda Galmudug

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM