Deni oo kormeeray Isbitaalka Guud ee Boosaaso iyo xarunta gobolka Bari

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo Xarunta Gobolka Bari.

Kormeerka ayaa waxaa ka warbixisay Madaxtooyadda oo tilmaamtay in komeerka Madaxweynuhu uu ugu kuur-gelayey shaqooyinka muhiim ka ah ee labadani xarumood u hayaan Bulshada.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu kormeeray Cisbitaalka magaalada Boosaaso, waxa uu kulan laqaatay maamulka Cisbitaalka oo Madaxweynaha usoo gudbiyey warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ay kusoo bandhigayeen xaaladihii kala duwanaa ee uu Cisbitaalku soo maray, shaqooyinka uu bulshada u hayo iyo qorsheyaasha u yaalla".

Kormeer Madaxweynaha waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

“Madaxweyne Deni intaasi kadib waxa u booqday qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Cisbitaalku, wuxuu arkay shaqada halkaasi ka socota bukaanka jiifa iyo sida shaqaaluhu ay heegan u yihiin".

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada adag ee ay maamulka iyo shaqaaluhu u hayaan bulshada gobolka, wuxuun sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeer wuxuu ku tegey xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay maamulka gobolka.

"Kormeerada iyo kulamada bulshada gobolka Bari ayaa qayb ka ah isku-duubnida iyo isku xidhnaanshaha shacabka iyo dowladda," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Deni.

Puntland State House + GO

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM