Puntland Focus Group oo war kasoo saarey duulaanka Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland - Puntland Focus Group ayaa war qoraal ah kasoo saarey colaadda Tukaraq ee u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Somaliland, iyagoo si kulul u cambaareeyay maamulka Muuse Biixi Cabdi.

Halkan ka akhri War-Saxaafadeedka:

1. Dagaalka Tukaraq waa gardarro cad oo ay Somaliland mar kale ku soo qaadday dhulka Puntland January 8, 2018. Puntland waxaa ay si dastuuri ah xaq ugu leedahay inay dalkeeda iyo dadkeeda difaacdo. Dadka reer Sool/Sanaag/ Cayn waxay wax ka dhisteen Dawladda Puntland 1998, iyada ayeyna si kasta uga mid yihiin. Cidina xoog iyo afduub ka baxsan rabitaankooda kuma qabsan karto.

2. Si loo xakameeyo khasaaraha nafeed iyo burburka hantiyeed, loogana baaqsado colaad oo faraha ka sii baxda siina dheerata, waxaan ugu baaqaynaa in Somaliland ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool ee ay xoogga ku haysato sida ugu dhakhsaha badan.

3. Majirto, suurto galna maaha doodda aan maangalka ahayn ee ku salaysan xad-dhuleed lagu andocoonayo in Ingiriis bixiyey ama cid ggoni ah ka dhaxashay, doodaas oo saldhig looga dhigaayo qadiyad siyaasadeed oo dagaal lagu galo si ictiraaf dawladnimo loogu helo.

4. Qadiyadda Sool/Sanaag/Cayn waa qadiyad dhuleed, dadeed iyo siyaasadeed oo xasaasi ah, waqti dheerna soo jiitamaysay. Sidaas darteed waxaa xalkeedu ku xiran yahay wadahadal dhexmara Puntland, Somaliland iyo dadka deegaankaas leh oo iyagu keli metala masiirkooda, aayohooda iyo rabitaankooda. Kuma xirra xabad iyo xoog, kumana xirra fikirka khiyaaliga ah ee Somaliland sheegeyso ee ah waxaa nagu soo duuley xukuumadda Somaliya waxaana arimaha jira kala hadleyna xukuumadda Somaliya.

5. Shacabka reer Puntland iyo kan Somaliland waa dad walaalo ah, deris ah, is dhalay, muddo dheerna duruuf iyo tabasho wadaag ahaa. Dhaqaalahooda, amnigooda iyo noloshooduna waa isku xiran tahay maanta iyo berriba. Waa labadii meelood ee 27-kii sano ee dalku burburay nabadda, xasiloonida iyo maamuladu ka jireen. Waa nasiib darro inay maanta xabad iyo xinjir khilaafkooda u maraan.

 - DHAMAAD - 

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janogale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni 

Warar dheeraad ah la xiriir;

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)

Af-Hayeenka Puntland Focus Group,
Email: dhollowaa2013@gmail.com
Telka Gacanta: (Australia) +61469728645

GAROWE ONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM